Madaxweynaha: ''Dadaal badan ayaan u soo galney inaan soo gaarno halka aynu maanta joogno" "Sawirro"

0
Sunday September 13, 2015 - 10:25:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: ''Dadaal badan ayaan u soo galney inaan soo gaarno halka aynu maanta joogno" "Sawirro"

    Kismaayo, 13 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo, 13 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Khudbad uu halkaa ka jeediyay, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ugu horeyn hambalyo u direy Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo shacabka gobollada Jubbooyinka.

Waxaa uu sheegay in barnaamijka baahinta xukunka ee waddanka ka socda uu yahay nidaam ay Soomaalida ku wada heshiiyeen, loona baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo, maadaama uu yahay hab siyaasadeed ku cusub dalka.

"Dagaalkii sokeeye iyo fowdada way ka dhammaadeen Soomaaliya. Kala aragti duwanaansho kasta oo dhacda waxaa lagu xalin karaa wadahadal, waana mahad Ilaahay inaan ka soo gudubney waqtigii xoogga iyo colaadda wax lagu raadin jirey, Waxaan ku jirnaa marxalad siyaasadeed iyo dowlad dhisid.

Marxaladda noocaasi ahna waxaa barbar socota cabasho, tabasho, cabsi iyo is riix riix siyaasadeed. Waa inaan naceybka iyo colaadda ku bedelnaa in nabad la dhaliyo, is jaceylna la dhex dhigo bulshada’’.


Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga barto khaladaadkii hore u dhacay, Soomaaliyana loo abuuraa mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan.
"Khibrad badan ayaa laga bartaa khaladaadkii hore u dhacay. Shacabka uma baahna in dhegahooda lagu shubo naceyb iyo cabsi. Haddii ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhexeysa madaxda waa in lagu xaliyaa goobaha loogu talagaley, Sax ma ahan in goob fagaare ah amaba warbaahinta la soo dhex dhigo hadalo dadka kicin kara, kuna celin kara rajo beel iyo colaad hor leh oo aan loo baahneyn’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay sii socon doonto, loona baahan yahay in dowladnimada sii xoogeysaneysa la aamino si horey loogu sii dhaqaaqo,
"Shisheeye nooma sameyn karto siyaasadda aan dalkeena ku hageyno, Beesha caalamka taageero badan ayay ina siisey”.

Waddamada deriska iyo Afrika inteeda kale waxay nagu deeqeen wiilashooda iyo gabdhahooda si ay dib u soo celinta nabadda inoo gala shaqeeyaan,waana ka mahad celineynaa. Haddaan nahay madaxdii qaranka, waxaa na soo doortey shacabka, waxaana na laga doonayaa inaan si hufan ugu adeegno, isla markaana aan dejino qorshe siyaasadeedkii waddankan lagu hagi lahaa inagoo shacabka kaashaneyna’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku booriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan in waddanka la nabadeeyo horumarna la gaarsiiyo, isagoo intaa ku darey in loo baahan yahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa meel ka wanaagsan halka uu maanta marayo.

Xafladda waxaa kale oo ka soo qeybgaley , hadalana ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxda maamullada Jubba, Galmudug, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Puntland,wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom, Urur goboleedka IGAD, Midowga Africa,danjireyaal, diblomaasiyiin, xubnaha labada gole ee Soomaaliya, wakiilo ka socdey dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.
—DHAMMAAD-

calemasaar-2calemasaar-4calemasaar-5calemasaar-6



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip