Guddoonka Baarlamaanka oo soo saaray qaabka loo maareynayo wadahadalka xalinta Mooshinka Madaxweynaha

0
Sunday September 13, 2015 - 09:24:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Baarlamaanka oo soo saaray qaabka loo maareynayo wadahadalka xalinta Mooshinka Madaxweynaha

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan qaabka loo galayo wadahadalka Mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 12kii Agosto 2015.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan qaabka loo galayo wadahadalka Mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 12kii Agosto 2015.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhinacyada ay quseysay Mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh ay oggolaadeen inay galaan wadaxaajood lagu xallinayo tuhumada gabood falka ee lagu soo oogay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka.

"Madaxweynuhu waxa uu wakaalad buuxda siiyay una xilsaartay wadahadalada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cumar Cabdirashiid isagoo xil saarashadiisana ku ballanqaaday in uu go’aanada wadahadalka lagu gaaro sidooda loo meelmariyo.”ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

Xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa loogaga codsaday warsaxaafadeedka inay soo magacaabaan guddiga wadahadalka ugaga qeybgali lahaa iyadoo wadahadalkaba ay hogaamin doonaan Guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenadiisa.

Wadahadalada ayaa guddoonka baarlamaanka uu ku sheegay in ay socon doonaan muddo labo toddobaad ama inkayar. Haddii wadahadalka uu guuldareysto waxa guddoonka baarlamaanku ay sheegeen in loo gudbin doono maxkamada awooda u leh inay soo hubiso in tuhummada leeyihiin saldhig sharci si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan.

Guddoonka baarlamaanka warsaxaafadeedka uu soo saaray ayaa lagu codsaday mudada ay wadahadaladu socdaan in xafiisyada wadaxaajoodka ku jira ay ka reeban tahay ka hadalka warbaahinta iyo inay ka digtoonaadaan adeegsiga ereyo xanaf keeni kara iyo wax walba oo carqalad ku keeni kara habsami u socodka heshiisiinta.

Warsaxaafadeedka ayaa loogu mahadceliyay madaxda sare ee dalka iyo xildhibaanada ogolaanshaha soo jeedinta hadalgelidda guddoonku u soo jeediyay. Ugu dambeyntii waxaa warsaxaafadeedka loogu mahadceliyay dhammaan intii gacan iyo talo ka dhiibatay maareynta mooshinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip