Taliska Nabad sugidda oo bandhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

0
Sunday September 13, 2015 - 08:41:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Nabad sugidda oo bandhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

    iidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qab qabteen maleeshiyaad lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qab qabteen maleeshiyaad lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS,

kuwaasi oo lagu eedeynayo inay falal dil ah ka geysteen gudaha caasimadda.

Maleeshiyaadka la soo qabtay oo gaaraya ilaa iyo shan ruux ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta Nabad sugidda gobolka Banaadir, halkaasi oo lagu weydiinayo su’aallo la xiriira waxyaabaha lagu tuhmayo.

Maxamed Cabdullaahi Amiin ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadka la soo qabtay kaasi oo lagu eedeynayo in uu ka dambeeyay dil 15-kii August ee sanadkan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Raxmo Maxamed Cabdiqaadir oo ka tirsaneyd shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen xilli uu ka yimid degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose

Cali Cabdullaahi Shuuriye oo isna ka mid ah kuwii la soo bandhigay ayaa sheegay in uu kooxda UGUS u qaabilsanaa dhanka miinooyinka baabuurta dadka loogu dhejiyo.

Maxamed Axmed Xuseen (Macalin Boode-boode) oo horey uga tirsanaa maleeshiyaadkii Xbsibul Islaam ee markii dambe ku biiray kooxda Shabaab, waxaana loo heysta dilka Marxuum Saciido oo dhawaan lagu dilay degmada Xamar Jajab.

Qaasim ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab uu ku biiray 209-kii isla markaana uu ka mid ahaa koox maleeshiyaadka Shabaab ka tirsan oo ku dhuumaaleysan jirtay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip