Imaaraadka oo lacago guddoonsiisay ehelada askar dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray Muqdisho "SAWIRRO"

0
Sunday September 13, 2015 - 08:39:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka oo lacago guddoonsiisay ehelada askar dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray Muqdisho "SAWIRRO"

    Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa abaal marino gudoonsiisay ehelada ciidamo Soomaaliyeed oo ku dhintay weerar 24-kii June-2015 lala beegsaday kolonyo ay la socdeen kooxda gar gaarka Imaaraadka Carabta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa abaal marino gudoonsiisay ehelada ciidamo Soomaaliyeed oo ku dhintay weerar 24-kii June-2015 lala beegsaday kolonyo ay la socdeen kooxda gar gaarka Imaaraadka Carabta,

kaasi oo ay ku dhinteen saddex askari halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya danjire Maxamed Axmed Cusman Al-xumaadi oo deeqda ku wareejiyay lacagta ayaa sheegay in ciidamada u dhintay difaacadda koxda gar gaarka ee Imaaraadka aan abaal kooda la  gudi karin, balse ay tani qeyb ka tahay xusuusin ay u sameynayaan

"Ehelada ay ka dhinteen  saddexda muwaadin waxaan guddoonsiinay 30-kun oo doolar, halka kuwa ku dhaawacmay eheladooda aan guddoonsiinay 15 kun doolar, waxaana dhaawacyada saddexdaasi ka mid ahaa Ilaalada kooxda gar gaarka loo qaaday dalka Imaaraadkaā€¯ayuu yiri danire Maxamed.

Safiirka ayaa xusay inaysan hakad gelin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen kuwa geeriyooday iyo kuwa dhaawac ahba, isagoo bogaadin u jeediyay ehelada wiilashii naftooda u huray inay ilaalo ka noqdaan kooxda gar gaarka ee Imaaraadka Carabta oo u gurmanaya walaalahood Soomaaliyeed.

Dowladda Imaaraadka ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inay soo celisay  xoogaa wanaag ah oo ku saabsan ciidamada naftooda ku waayay ilaalinta kooxda gar gaarka ee Imaaraadka, ayna ku dadaalayaan sidii ay u xoojin lahaayeen gurmadka ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip