Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay

0
Sunday September 13, 2015 - 08:38:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay

    Xaflad si heer sare ah loo soo aagaasimay oo lagu caleema saarayay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa ay maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad si heer sare ah loo soo aagaasimay oo lagu caleema saarayay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa ay maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin faro badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke, Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Tedros adhanom,Safiirka Jabuti Ee Soomaaliya,  Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo wakiilo ka socday Dowlada Kenya, Safiirada Turkiga iyo Imaaradka u fadhiya Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa heeso wadani ah ka qaadayay fanaaniin Soomaaliyeed iyadoo halkaas mas’uuliyiintii ka hadashay ugu hambalyeysay madaxweyne Axmed Madoobe in markale loo caleemo saaro madaxtinimada maamulka Jubba.

M.weynaha Soomaaliya ayaa Caawa magaalada Kismaayo Kulamo kula leh Masuuliyiinta Maamulada Dalka iyo Diblumaasiyiinta ka qeybgashay Xafladda Calaamo Saarka.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay,waxan dadku aad ugu riyaaqeen sida loo muujiyay taageerada lo ohayo maamulkaasi.

calemasaar-2calemasaar-3calemasaar-4calemasaar-5calemasaar-6calemasaar-7calemasaar-8calemasaar-9calemasaar-10calemasaar-11calemasaar-12calemasaar-13calemasaar-14




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip