Taliye ku-xigeenka Booliiska Somalia oo Gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

0
Sunday September 13, 2015 - 08:33:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ku-xigeenka Booliiska Somalia oo Gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)

    Waxaa shalay Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan saraakiil uu Hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xuseen Afrax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan saraakiil uu Hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xuseen Afrax.
Taliyaha iyo saraakiisha uu horkacayay waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax iyo Saraakiisha Ciidanka Booliiska Gobolka Qaarkood.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo warbaahinta kula hadllay xarunta maamulka gobolka ayaa ku soo sheegay safarkooda mid la xiriira siddii ay ugu kuur-gali lahaayeen xaalada nabad-galyo ee guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne, isaga oo intaa ku darray in mudada ay joogaan kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas'uuliyiinta maamulka, saraakiisha ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/fataax Xassan Afrax oo ka hadlay xafladda soo dhaweynta taliye ku-xigeenka booliiska Soomaaliya iyo saraakiisha la socta, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin wafdiga maanta soo gaaray, islamarkaana mudada ay joogaan ka wadda hadlli doonaan arrimo dhowr ah oo la xiriira xaalada nabad-galyo shaqada ciidammada booliiska gobolka Hiiraan.

Xubnaha Safarka ku Wehlinayay Taliye ku-xigeenka booliiska Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali C/dulle, iyo Saraakiil kale.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip