Wasiirro ka qeybgalay kulan looga hadlayay sidii hoggaan mideysan loogu sameyn lahaa culuma'udiinka Soomaaliyeed

0
Friday September 11, 2015 - 15:53:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro ka qeybgalay kulan looga hadlayay sidii hoggaan mideysan loogu sameyn lahaa culuma'udiinka Soomaaliyeed

    Kulankaan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid Culimaa'udiinka Soomaaliyeed ee Ahlu Sunna waljamaaca waxaana kala qayb galay wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid Culimaa'udiinka Soomaaliyeed ee Ahlu Sunna waljamaaca waxaana kala qayb galay wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka ah

 iyo wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha kulankaas ayaana looga dhawaaqay gole ay ku mideysan yihiin culimaa,udiinka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada lagu bixiyay in la sameeyo goalaha guud ee Culimada Soomaaliyeed waxaa ka hadlay qaar badan oo ka mid ah culimada ka qayb gashay kuwaas oo dhamaantooda isla qaatay in lala shaqeeyo hugaanka cusub oo mudo lix bil ah jiri doono ka dibna doorasho guud qaban doona in dowladda federaalka ah ay garab taagan tahay culimadu ayayna sheegeen ka qayb galayaasha kulankaasi.

Haddaba golaha hagaanka  ee maanta lagu dhawaaqay  howsha laga doonayo in uu qabto mudadaas lixda bil ah waa mid ceynkee ah Sheikh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah culimada Ahlu Sunna waljamaaca ayaa yiri "Golahaan sababaha loo dhisay baahida keentay waa sida soo socota waxa uu qabanyo iyo waxa uu yahay  kow in uu u istaago mideynta dhamaan Culimada Soomaaliyeed  labo in uu istaago ka qayb qaadashada dib u heshiisiinta dalka”ayuu yiri Soomow”

Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Xasan {Nuux} oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa waxaa sheegay in muhiimad weyn ay bulshada u ledahay in culimada ay hugaan mideysan yeeshaan waxaana uu ka codsaday Culimada in dhalinyarada ay gacanta ku qabtaan oo wacyi galin u sameeyaan.

"In aan hal codsi idiin soo jeediyo oo ah  in ay culimadu gacanta ku qabtaan dhalinyarada waad ogtihiin  in ay ku jiraan mashaqooyin badan iyo aragtiyo kaleeto ka duwan teena asalka ah”ayuu yiri wasiir Nuux” ayuu yiri wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa munaasabada soo gunaanaday wasiirka awqaafta iyo arimaha Diinta mudane Cabdul qaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi waxaana uu culimada ku bogaadiyay in ay door muuqda ka qaataan sidii bulshada horumarka loogu hagi lahaa.

"Waxaan baarikayaa Majliskaan la aas aasay waa majlis guud oo culimada Soomaaliyeed ay ku kulantay  dariiqadii iyo mas’uuliyiitii kala duwanaa ee u tagnaa howshaan aad baan u baarikayaa  waad mahadsan tihiin waxaana idinku guubaabinayaa in aad la hadashaan  cid alaale cidii Soomaali ah culimaa udiin ah ee dood qaba”ayuu yiri wasiir Baqdaadi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip