Jowhar oo laga xusay sanadguurada maxkamadda racfaan ee ciidamada Qalabka sida

0
Friday September 11, 2015 - 15:51:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jowhar oo laga xusay sanadguurada maxkamadda racfaan ee ciidamada Qalabka sida

    Munaasabadan lagu maamusyau sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii maxkamada racfaanka ee ciidamada qalabka sida laga furay gobalka shabeellaha dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadan lagu maamusyau sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii maxkamada racfaanka ee ciidamada qalabka sida laga furay gobalka shabeellaha dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Xafladda ,ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta maamulka gobalka shabeellaha dhexe  iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay waxqabadka maxkamadda racfaanka ee ciidamada qalabka sida muddadii sanadka aheyd oo ay ka howlgaleysay gobolka.

Gudoomiyaha maxkamadda racfaanka ciidamada qalabka sida ee gobalka Shabeellaha dhexe Sheekh Axmed Siid oo ka waramay tirada dacwooyinka soo gaaray maxkamadda mudadaasi iyo guud ahaan waxqabadka maxkamadda.

"Guud ahaan maxkamadda racfaanka gal dacwadeedyada soo galay waa  todobaatan iyo Siddeed,  waxaa  go’aan ka soo gaartay Afartan iyo lix dacwadood  waxaa Sulux lagu dhameeyay Todobo dacwadood,  waxaa racfaan looga qaatay maxkamadda sare ee dalka Toban iyo Todoba dacwadood, waxaa weli socda oo aan xukun laga gaarin lix gal dacwadeed halka laba gal dacwadeed aysan nagu soo noqon” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda saree ciidamada qalabka side ee gobolka Sh/dhexe.

Gudoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir  C/laahi "Buur fuule”  oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa faah faahiyaay waxyaabaha ay maxakamddu  ku soo kordhisay bulshada.

"Waxaan idin leeyahay dadkiinan keenaya dacwadaha degmada ama gobalka ama maxkamada haddii aad qaadataan xaqqiina waxaan ahayn maanta maalinaan aheyn ayaa makaanu hoyadkiinu ahaandoona jahanamo” ayuu yir gudoomiyaha degmada Jowhar.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka shabeellaha dhexe dhinaca siyaasada,iyo amniga Axmed Meyre Makaraan oo goobtaasi ka hadlay ayaa yiri "Bini’aadamku haduusan helin cadli iyo garsoor noloshiisu waa naaqus waa laf dhabarka bini’aadamka haddana kuma sii jirto waa xilli aad iyo aad u dhibaatabadan oo dadku muddo soo ahaayeen dawlad la’aan, halkaan waxan ku joognaa dukumiinti dawladeed oo ay nagu soo magacaawday dowladda qofkii la yimaada dukuminti dawladeed inaan fulino ayaa waajib nagu ah.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip