Daawo sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhex lugeynaya deegaanka Ceelasha Biyaha

0
Friday September 11, 2015 - 12:23:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhex lugeynaya deegaanka Ceelasha Biyaha

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa socdalkiisa shabeelaha hoose ku wehliyaya xubno ka tirsan labada gole ee dowlada, Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed iyo wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa socdalkiisa shabeelaha hoose ku wehliyaya xubno ka tirsan labada gole ee dowlada, Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed iyo wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed sediku.

Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka reer Afgooye iyo ardayda dugsiyada oo uu socd ku soo dhexmaray,  waxaana intaa kadib uu madaxweynuhu kulamo ku aadan amniga,dib u hehsiisinta, iyo horumarinta la qaatay saraakiisha Amisom,maamulka koonfur galbeed iyo odayasha deegaanka,

Munaasabd ka dhacday degmada AFgooye oo ay ka qeybgaleen odayasha iyo siyaasiyiinta gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ugu horeyn madaxweynaha warbixin laga siiyay sida ay u dhaqan galeen heshiisyadii la dhexdhigay maleehsiyo beeleedyadii ku dagalamay gobolkaasi iyo sida ay hogaamiyaasha beeluhu ugu qanceen una dhaqan geliyeen,ka sokow dagaaladaasi xalka laga gaaray ayaa waxaa qaar kamid ah odayaasha dhaqanku ay ka hadleen jidgooyooyin ugu daran ee xiligan ka jira gobolka oo dadku dhib ay ku qabaan.

Xildhibaanada baarlamaanka qaarkod oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in cabashada dadka Shabelaha hoose ay soo noq noqotay islamarkaana ay u sii dheertahay dib u dhac aanay qabin gobollada kale.

Wakiilka midowga afrika ee Soomaaliya Momaed sandiku ayaa hadal uu jeediyay waxa uu sheegay in AMISOM ay qaadayaan talaabo weliba oo amniga hore u socodsiineysa

"halkani waxa aan u nimid waa inaan go,aan qaadano madaxweynuhuna wuu noo sheegay go,aanka dowladda ee ah amniga gacan bir ah lagu qabto lana dhameystiro dagaal beeleedyada xalka laga gaaray waan ka qeyb qaadan doonaa in la tababaro ciidamo boolis ah oo ka howlaga lmagaaloyinka si ay u hantaan amniga.

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya mudane shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa xusay in maamulkiisu wax weliba ka horumarin doono xuquuqda ciidamada amniga si meesha looga saaro cabashoyinka jira.

Madaxweynaha jamhuuriyadda  Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in dowladu ku faraxsantahay sida loo soo afjaray dagaaladii ku saleysnaa dhanka qabaa’ilka isagoo ku booriyay in la dhameystiro.

waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in dowladu arrimaha ammaanka u dejisiay qorsheyaal haqabtiri doona dadka deegaanka iyo bulshada wadooyinka isticmaasha.

booqashada degmada Afgooye kadib ayaa madaxweyne xasan sheikh Maxmauud waxa uu socod ku soo maray deeganada u dhaxeeya muqdisho iyo degmada afgooye gaar ahaan deegaanka ceelasha biyaha oo uu suuqa weyn iyo goobaha ganacsiga ku soo wareegay islamarkaana uu xog wareystay dadka deegaanka.

qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ayuu madaxweynuhu mid mid u galay isagoo ganacsatada iyo dadka dukaameysanaya weydiinayay caqbadaha heysta iyo tusaalaha maankooda ka guuxaya dadka ku casiriyeynayay maqaxiyaha qaarkod ayuu mdaxweynuhu goobahaasi ugu tagay lana sheekeystay.

boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay goobaha uu madaxweynuhu ku lugeynayay kuwaasi oo ku faraxsanaa in madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta la socotay ay bulshada dhexgalaan kuwaasi oo ugu dambeyn sacab ku soo sagtootiyay madaxweynaha Soomaaliya.

IB0A6256IB0A6261IB0A6265IB0A6267IB0A6371IB0A6368IB0A6362IB0A6353IB0A6286IB0A6420IB0A6423IB0A6425IB0A6426IB0A6427IB0A6435IB0A6437IB0A6444IB0A6478IB0A6509IB0A6564IB0A6528IB0A6519IB0A6515IB0A6512IB0A6566IB0A6568IB0A6573IB0A6580IB0A6582IB0A6661IB0A6654IB0A6649IB0A6645IB0A6589IB0A6687IB0A6880IB0A6892IB0A6902IB0A6904IB0A6916IB0A6956IB0A6952IB0A6941IB0A6920IB0A6919IB0A6958IB0A6962IB0A6963IB0A6967IB0A6971IB0A7068IB0A7062IB0A7038IB0A7019




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip