Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Dagaalkii Caabud-waaq Iyo Arrimo Kale

0
Thursday September 10, 2015 - 20:34:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Dagaalkii Caabud-waaq Iyo Arrimo Kale

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii khamiis laha'ahaa ayaa looga hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Caabud-waaq ee gobolka Gal-Gaduud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii khamiis laha'ahaa ayaa looga hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Caabud-waaq ee gobolka Gal-Gaduud

ee u dhexeeya  maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug  iyo ururka Sufa, iyo lacago been abuur ah oo dhawaan soo galay qeybo ka mid ah suuqyada dalka.

Kulanka golaha wasiirada oo uu shir guddoominayay wasiirka cadaalada ee xukuumada Soomaaliya Mudane  Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir  ayaa ugu horeyn, waxaa uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday  eheladooda halkaasi, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad qab deg deg ah, iyagoona ka soo saaray go’aano  Dagaalkaasi oo ay wadaan Kooxda Sufa.

Xubnaha golaha wasiirada  ee xukuumadda Soomaaliya ayaa  go’aan ka soo saaray lacago been  abuur  ah oo qaar ka mid ah suuqyadda dalka  soo gashay, waxaana ay uga digeen cid kasta oo ku howlan lacagahaasi in ay ka waantoobaan, waxaana Golaha Wasiirada ay aad u gorfeeyaan Lacago Shilin soomaali Ah uu dalka yeesho iyagoo isla gartay qorsha ah in Wasaaradda Maaliyada iyo Bankiga dhexe uu howlan sidii dalka uu u yeelan lahaa lacaga Shilin Soomaali ah oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed.

Dowladii KMG ee uu hogaaminayey Allaha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf  Axmed  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey  ula wareegay  makiinado ay ganacsato  ku doonayeen in ay dalka ugu faafiyaan  lagaco been abuur ah  oo ay soo saareen, talaabadaasi mid la mid ahna waxaa looga fadhiyaa dowladda  Federaalka Soomaaliya si looga bad-baadiyo dalkeena lacagaasi been abuurka ah  ee qaybo ka mid ah suuqyada dalka la soo galiyey  xiligani.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip