Ciidamada maamulka Galmudug oo si buuxda ula wareegay degmada Cabuudwaaq "Dhageyso wareysi"

0
Thursday September 10, 2015 - 20:18:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada maamulka Galmudug oo si buuxda ula wareegay degmada Cabuudwaaq "Dhageyso wareysi"

    Maamul goboleedka Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaddib dagaal shalay iyo maanta halkaasi ku dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamul goboleedka Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaddib dagaal shalay iyo maanta halkaasi ku dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee maamul goboleedka Galmudug Cabdi ladiif Cabdulaahi Warsame oo wareysi siiyay Radio Muqdisho isagoo ku sugan degmada Cabuudwaaq ayaa sheegay in ciidamada maamulka Galmudug ay ka saareen magaaladaasi maleeshiyaadkii Ahlusunna, isagoo intaa raaciyay in ay ciidamadu xaqiijinayaan ammaanka magaaladaasi.

Wasiirka ayaa xusay in dadweynaha ku nool magaalaadaasi ay isugu soo baxeen waddooyinka magaaladaasi, kuwaas oo sida uu tilmaamay taageerayay howlgalka ay ciidamada maamulka Galmudug uga saareen magaaladaasi maleeshiyaadkii Ahlusunna.

Dagaallada ka dhacay magaalada Cabuudwaaq ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday Sideed ruux oo rayid ah halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaqan magaalada Cabuudwaaq ayaa la sheegay iney isaga carareen guryahoodi iyagoo u barakacay duleeddada magaaladaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip