Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Ku Qaabilay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

0
Tuesday September 08, 2015 - 13:23:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Ku Qaabilay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya oo ay ka wada hadleen arimmo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya oo ay ka wada hadleen arimmo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka .

Kulankan oo ka dhacay hooyga uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka degen yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa Danjire Makail Lindval uu Guddoonka Baarlamaanka soo gaarsiiyey walaaca ay dowladda Sweden ka qabto xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya oo ka dhashay mooshin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay ka gudbiyeen Madaxweynaha waxaana uu dhiiri geliyey in dowladda Sweden ay codkeeda ku biirineyso in la dedejiyo xal ka gaarista arintaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey dowladda Sweden iyo guud ahaanba Beesha caalamka u damqashada ay Soomaaliya u damqadeen waxaana uu dhanka kale xusay in Soomaaliya ay u dhisan yihiin hay’addo dastuuri ah oo awood buuxda u leh iney xalistaan arrimaha dhexdooda ah axaana uu rajo ka muujiyey in dhowaan go’aan laga gaari doono arrimaha siyaasadeed ee hada taagan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip