Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo soo gebagebeeysay barnaamijka soo nooleynta dhaqanka "Sawirro"

0
Tuesday September 08, 2015 - 13:19:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo soo gebagebeeysay barnaamijka soo nooleynta dhaqanka "Sawirro"

    Barnaamijka soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed oo in muddo ah ka socday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed oo in muddo ah ka socday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta la

gu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii lagu soo gebagebeeynayay barnaamijkan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye”, ku xigeenkiisa C/laahi Colaad Rooble, wasiirka howlaha guud, ku simaha duqa magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay ahmiyadda uu leeyahay soo nooleeynta dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed,  isagoo ka dalbaday ummadda Soomaaliyeed iney ilaaliyeen dhaqankeena wanaagsan, wuxuuna dhanaca kale ku boorriyay dadka Soomaaliyeed ineey taageeraan dowladnimada si dalkeena uu ula mid noqdo wadamada kale ee caalamka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay halkaasi oo uu ka mid ahaa wasiirka howlaha guud ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay dadaalka ay ku bixisay barnaamijkan la xiriira dib u soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, iyagoo hoosta ka xariiqay qiimaha uu  barnaamijkani u leeyahay ummaadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo sii wadidda barnaamijyada noocan oo kale ah.

Mudane C/llaahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo gebagebadii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkani uu soo socday muddo Afar bilood ah, isagoo tilmaamay in lagu soo qabtay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Banaadir islamarkaana lagu soo bandhigay heeso wadani ah, ciyaaraha dhaqanka suugaan iyo  qeybta farshaxanka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada barnaamijkan loo qabtay ay tahay sare u qaadidda dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, isdhexgalka bulshada  iyo sidii loogu baraarujin lahaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wasiirka ayaa u mahadceliyay intii ka qeybqaadatay barnaamijkan muddadii uu socday, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir.

DSC03908DSC03907DSC04141DSC04138DSC04135DSC04134DSC04133DSC04129DSC04124DSC04120DSC04112DSC04111DSC04096DSC04091DSC04088DSC04087DSC04082DSC04081DSC04078DSC04076DSC04075DSC04068DSC04057DSC04054DSC04053DSC04052DSC04049DSC04039DSC04030DSC04027DSC04018DSC04015DSC04013DSC04012DSC04011DSC04021DSC04007DSC04004DSC04003DSC03990DSC03985DSC03984DSC03982DSC03981DSC03980DSC03976DSC03973DSC03957DSC03950DSC03947DSC03940DSC03939DSC03936DSC03935DSC03934DSC03933DSC03932DSC03921DSC03918DSC03912DSC03909DSC03876DSC03876DSC03876DSC04112




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip