Ciidanka NISA oo howlgal ku soo qabtay dhallinyaro ka tirsan maleeshiyaadka UGUS

0
Friday July 31, 2015 - 09:43:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka NISA oo howlgal ku soo qabtay dhallinyaro ka tirsan maleeshiyaadka UGUS

    Ciidanka NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno dhaca duleedka magaaladda Muqdisho ku soo qabqabtay rag la rumeysanyahay ineey ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno dhaca duleedka magaaladda Muqdisho ku soo qabqabtay rag la rumeysanyahay ineey ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Shabaab.

Howlgalkan oo uu horkacayay taliyaha hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Jeneraal C/raxmaan Maaxamed Tuuryare ayaa waaberigii saaka ka billowday deegaanno ka tirsan duleedka deegaanka Ceelasha biyaha, waxeyna ciidamadu mid mid u baarayeen guryaha , dadka iyo gaadiidka.

Ciidanka ayaa intii ay wadeen howlgalka gacanta ku soo dhigay 11-rag ah oo lala xiriiranayo iney ka tirsanyihiin kooxaha nabad diidka ah ee UGUS, kuwaas oo ay ku sucdaan Baaritaanno.

Afhayeenka wasaaradda amniga ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu soo qabtay 11-kaasi dhalinyarada ah, isagoo tilmaamay in howlgaasi ahaa mid qorsheysan oo lagu xaqiijinayay ammaanka deegaannadaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip