Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Maanta la Wareegay Deegaano Hoos-taga Gobolka Hiiraan - See more at: http://hiiraan.com/news/2015/July/wararka_maanta30-92441.htm#sthash.6lIl3rno.dpuf

0
Friday July 31, 2015 - 09:34:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Maanta la Wareegay Deegaano Hoos-taga Gobolka Hiiraan - See more at: http://hiiraan.com/news/2015/July/wararka_maanta30-92441.htm#sthash.6lIl3rno.dpuf

    Kaddib howlgal ballaaran oo ay ciidamada Xoaogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa lagu waramayaa in ay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanno ay horay u maamulayeen Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaddib howlgal ballaaran oo ay ciidamada Xoaogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa lagu waramayaa in ay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanno ay horay u maamulayeen Al-shabaab.

Kaddib howlgal ballaaran oo ay ciidamada Xoaogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa lagu waramayaa in ay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanno ay horay u maamulayeen Al-shabaab.

Howlgalka oo ah mid saf ballaaran ah oo ka socda gobollada Hiiraan iyo Bakool, ayeey ciidammada huwanta saacadihii ugu danbeeyay qabsadeen deegaanno ay ka mid yihiin Ceel-Cali, Buq-goosaar, Ceel-dheer, iyo tuullooyin dhaca xadka kala barra gobollada Hiiraan iyo Bakool.

Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ee qeybta ka ah howlgalka ayaa Radio Muqdisho Codka Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in ciidammada ku wajahan yihiin deegaanno kale oo hor leh oo saldhigyo u ah UGUS.

Howl-gallada saacadihii ugu danbeeyay ciidammada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM sidda wadda jirka ah uga sameeyeen deegaannada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, ayaa sababay barakaca dadka rayid ah oo u badan xoolo dhaqato kuwaa oo hadba u baxsanaya deegaannada Nabaddoon.

Illaa iyo hadda saraakiisha Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin howlgalka millitari ee ciidammada isbaheysanay, waxaa meellaha laga soo sheegayaa in ay jirreen iska horimaadyo culus oo dhaxmaray labada dhinac.

Dhaq-dhaqaaqa Millatari oo ay Ciidaada Huwanta ah ka Sameynayaan Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Bay, ayaa ku soo beegamaya xilli Al-shabaab laga wareegay magaalooyin waa-weyn oo ay ka mid yihiin Beerdheere iyo Diinsoor oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Bay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip