Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee degmada Cadaado+Sawirro

0
Wednesday July 29, 2015 - 19:15:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee degmada Cadaado+Sawirro

    Kormeerka madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug, Taliyaal ciidan iyo gudoomiyaha degmada Cadaado,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kormeerka madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug, Taliyaal ciidan iyo gudoomiyaha degmada Cadaado,

Meelihii  ay kormeereen ayaa waxaa ka mid ahaa garoonka diyaaradaha ee Cadaado, Xarunta Kafaalo iyo xarumo kale, halkaas oo ay daganyihiin qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga, sida nabad sugidda, Boliiska iyo Milatariga.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale tagay xarunta ciidanka 21-aad ururkooda oo degan magaalada Cadaado, waxaana uu dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ku booriyay inay xoojiyaan nabadgalyada deegaanka.

"Waxaan kormeer ku samaynaynay goobaha ay ciidamadu joogaan, doonaynana caqabadaha ciidamada haysa,  adinkana waxaa la idinka rabaa dalkaad u dhaarateen difaaciisa,  meel walba oo la idiin dirana waajibaadkiina aad ka soo baxdaan, waxaad u mahad celinayaa madaxdiina iyo idinkaba sida aad u fulinaysaan shaqadiina,

"dawlad goboleedka Galmudug waxaa uu balan qaadayaa baahiyadina inay daboosho, anaga oo u marayna taliyaha ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhigga iyo meelaha kale oo ay qusayso la kaashanaynaā€¯

DSC09064DSC09066DSC09068DSC09069DSC09070DSC09078DSC09083DSC09085DSC09088DSC09091 (1)DSC09091DSC09092DSC09094DSC09097DSC09099




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip