Hay'adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay magaca ninkii isku qarxiyay Hotel Jazeera

0
Wednesday July 29, 2015 - 19:07:50 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay magaca ninkii isku qarxiyay Hotel Jazeera

    Muqdisho: 29-Jul-2015.Warbixin baaris hordhac ah oo ay soo saartay Hoggaanka Baarista HSNQ (NISA) oo ku saabsan qaraxii Hotel Jaziira ka dhacay maalinimadii 26/July/2015, 4ta Galabnimo (1600 GMT), faahfaahintu waa sida hoos ku qoran:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho: 29-Jul-2015.Warbixin baaris hordhac ah oo ay soo saartay Hoggaanka Baarista HSNQ (NISA) oo ku saabsan qaraxii Hotel Jaziira ka dhacay maalinimadii 26/July/2015, 4ta Galabnimo (1600 GMT), faahfaahintu waa sida hoos ku qoran:-

Muqdisho: 29-Jul-2015.Warbixin baaris hordhac ah oo ay soo saartay Hoggaanka Baarista HSNQ (NISA) oo ku saabsan qaraxii Hotel Jaziira ka dhacay maalinimadii 26/July/2015, 4ta Galabnimo (1600 GMT), faahfaahintu waa sida hoos ku qoran:-

 1. Qaabkii Qaraxa U Dhacay & Khasaaraha Uu Gaystey:-

Qaraxa noociisu wuxuu ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari nooca Xamuulka ah (Nissan UD) oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo ku soo dhex dhuuntay dad qaxooti ah oo laga rarayey agagaarka Hoteelka, wuxuuna dusha soo saartay joodoriyaal & Alaab guri.

Khasaaraha uu gaystey qaraxaasi waxay kala yihiin. Dhimasho 17 qofood ah, Dhaawacuna kor u dhaafayey tobaneeyo, iyadoo qaarkoodna ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaarey. Tirada Gaadiidka ku burburay qaraxaas waa 5 gaari & 1 mooto. Waxaa khasaare burbur soo gaarey dhismaha Hoteelka la weerarrey & guryo kale oo ka ag dhowaa Hotel Jaziira.

Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa 2 suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay weerarkaas.

  1. Faahfaahin Ku Saabsan Naftii-Haligaha.

C/Risaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir, Reer Boorame ah, ku dhashay magaaladaTripoli-Libya, wuxuuna ku noolaa magaalada Born, Dalka Jarmalka. C/risaaq wuxuu soo maray Dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sanadkii 2012.

C/Risaaq wuxuu ku soo biiray kooxda UGUS 2013, ayadoo dad qurbo joog ah ay ku soo tashkiiliyeen.

 1. Mas’uuliyadda Qaraxaasi.

Qaraxaan mas’uuliyaddiisa waxaa sheegtay kooxda UGUS, waxaa soo baxayaa inay jiraan shaqsiyaad kale oo lahaa abaabulka & fududaynta weerarkaas, Waxaana la rumaysanyahay inay ka mid ahaayeen:-

  1. C/naasir Axmed Buuni, oo ahaa shaqsiga kor ka hagayey qaraxa ismiidaaminta ah, wuxuuna hada ku suganyahay magaalada Boorame.

Sidoo kale,

  1. Waxaa gacan wayn ka geystay fududaynta weerarkaas nin ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyada dalka soo marey, oo hada ka cararey magaalada Muqdisho. Waxaana socota baaris, dib ayaan ka soo sheegi doonaa magaca shaqsigaas & faahfaahin dheeraad ah.

Weli waxaa socota baaris ku saabsan falkaas aragagixisanimo ay soo maleegeen cadowga Nabad-diidka ah ee UGUS, wixii ka soo baxa baaristaas dib ayaan ka soo sheegi doonaa.

Mahadsanidiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip