DEGDEG: Xukuumadda iyo baarlamaanka oo go'aan ka gaaray doorashada 2016-ka

0
Tuesday July 28, 2015 - 19:58:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEGDEG: Xukuumadda iyo baarlamaanka oo go'aan ka gaaray doorashada 2016-ka

    Kulan ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey go'aan ay si wadajir ah uga gaareen labada Gole ee Dowladda doorashada 2016ka ayadoo kulankaasina uu Baarlamaanka hor yimid Ra'isulwasaaraha Xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey go'aan ay si wadajir ah uga gaareen labada Gole ee Dowladda doorashada 2016ka ayadoo kulankaasina uu Baarlamaanka hor yimid Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulan ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey go’aan ay si wadajir ah uga gaareen labada Gole ee Dowladda doorashada 2016ka ayadoo kulankaasina uu Baarlamaanka hor yimid Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 158 Xildhibaan ayadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeennada Koobaad iyo labaad ee Baarlamaanka waxaana Mudaneyaasha hor yimid Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” oo kulanka shir guddoominayey ayaa ugu horeyn Xildhibaannada xasuusiyey in dalku marayo marxalad aad u xasaasi ah islamarkaana looga baahan yahay in go’aanno waxtar u leh dalka iyo dadka balse aanan la aqbali karin in la carqaladeeyo howlaha umadda loo hayo.

Guddoomiyaha guddi hoosaad uu Baarlamaanka Soomaaliya u xil saartay iney kasoo talo bixiyaan jiheynta siyaasadda dalka 2016ka Xildhibaan C/laahi Goodax Bare oo Xildhibaannada Baarlamaanka u faah faahiyey go’aanno seddex qodob ka kooban oo ay wadajir u gaareen Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa xusay in labada Gole ay isla garteen ineysan dalkan ka dhici karin 2016ka doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Ra’isulwasaarha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo Xildhibaannada Baarlamaanka u jeediyey Khudbad kooban ayaa ugu horeyn tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in ay si wadajir ah oo leh isku duubni u wada shaqeeyaan laamaha fulinta iyo sharci dejinta, nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2016kana ay si wadajir ah u go’aansan doonaan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda iyo maamul goboleedyada.

Go’aanka sida wadajirka ah u gaareen Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka ayaa ah mid soo afjaraya kulammo wadatashiyo ah oo maalmahan xarunta Villa Hargeysa uga soconayey xubno ka kala socday labada Gole.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip