Taliyaha Nabad sugidda Qaranka oo bogaadiyay amniga ka jira Kismaayo

0
Tuesday July 28, 2015 - 19:44:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Nabad sugidda Qaranka oo bogaadiyay amniga ka jira Kismaayo

    Jeneraal Cabdiraxman Maxamed Tuuryare oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa kormeer ku tagey xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo iyo qaar kamid ah saldhigyada ay ciidanka sirdoonka Qaranku ku leeyihiin magaaladaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneraal Cabdiraxman Maxamed Tuuryare oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa kormeer ku tagey xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo iyo qaar kamid ah saldhigyada ay ciidanka sirdoonka Qaranku ku leeyihiin magaaladaasi

Jeneraal Cabdiraxman Maxamed Tuuryare oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa kormeer ku tagey xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo iyo qaar kamid ah saldhigyada ay ciidanka sirdoonka Qaranku ku leeyihiin magaaladaasi, isagoo socod kusoo maray bartamaha habeenka ilaa saqda dhexe wadooyinka magaalada oo ay dadweynuhu si kalsooni ku dheehantahay u mahsaaxayaan,

Taliyaha Hay’adda Nabadsigida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sidoo kale socod lug ah kusoo maray suuqyada magaaladaasi iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan, isagoo goobaha laga cunteeyo qaarkood kula shah cabay dadweynaha reer Kismaaayo, kuwaasoo uu ka xog wareystay xaaladaha amni iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin xagga amniga ah.

Qaar kamid ah dhallinyarada magaalada Kismaayo oo ay wadooyinka ku kulmeen ayuu taliyuhu u sheegay in dowladda, gaar ahaan Hay’ada Nabadusgidu abaal marin doonto cid kasta oo la wadaagta xoga argagaxisada meelaha ay ku dhuumaleysanayaan.

Jeneraal tuuryare ayaa ciidanka amniga ku bogaadiyay howlaha Nabadgelyo ee ay ka wadaan magaalada Kismaayo.

"Dagaalka Al-Shabaab waxa uu kusoo uruuray been abuur, sidaas darteed waa inaan dadkeena dhegaha looga shubin dacaayadda iyo marin habaabinta argagaxisada, haloo caqli celiyo, dhalintu ay Shabaabku marin habaabiyeen, xiligan goobihii ugu dambeeyay ayaa laga sifeeynayaa argagixisada Al-Shabaab” ayuuu yiri Taliye Tuuryare.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip