Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya "SAWIRRO"

0
Tuesday July 28, 2015 - 19:48:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya "SAWIRRO"

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir 'Maareeye" ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir 'Maareeye" ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ‘Maareeye” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey, oo ay ka wada hadleen xoojinta arrimo ay ka mid yahiin xariirka IGAD iyo Soomaaliya iyo wacyigelinta bulshada  iyadoo kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Waaxda Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow lataliyaha Wassaradda ahna khabiir iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii IGAD iyo Wasaaradda Warfaafinta ay bisha sagaalaad isga kaahan lahaayeen sidii bulshada loo siin lahaa barnaamijyo wacyi gelineed oo muhiim u ah adeegyada aas aasiga u ah bulshada, ayna sare u qaadaan horumarinta Warbaahinta Qaranka.

Wakiilka Urur Goabaleedka IGAD ee Somaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in Warbaahinta ay door muuqda ka qaadanayso horumarka ka jira dalka,  isagoo intaa ku daray in bisha sagaalaad ay Muqdisho ku qaban doonaan shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo sidii mashaariic kala duwan ay dalka uga hirgelin lahaayeen.

"Waxaan qorsheynay in aan sameyno shir ay isugu imaan doonaan shaqaalaha IGAD, waxaana looga hadlaya dhinacyada amniga, biyaha, caafimaadka, isla markaana loo bandhigo shacabka, oo aan iska kaashano waxa ay Wasaaraddu u baahantahay, oo aan ognahay muhiimadda ay dalka u leedahay Warbaahinta, runtii arrimaha dib-u-heshiisiinta in aad sii xoojisaan, waan bogaadineynaa” ayuu yiri Danjire Afeey.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa  ka codsaday Danjire Maxamed Cabdi Afeey  in IGAD  ay gacan ka siiso Wasaaradda Warfaafinta  howlaha bulshada lagu fahamsiinayo Federaalka iyo fahanka  dowladda wanaaga.

"Wasaaraddu door muhiim ah ayay ku leedahay in ay ka qaadato la dagaallanka argagixisada, in Soomaalida la fahamsiiyo nidaamka Federaalka ah ee ay dowladdu qaadatay, in la dhowro oo la ilaaliyo nidaamka wadamada dariska la ah Soomaaliya, runtii dib u soo kabashada dalka qeyb ayay ka qaadatay IGAD, waxaana ka codsaneynaa in arrimaha aan soo sheegay ay gacan nagu siiso” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

IMG_4462IMG_4441IMG_4442IMG_4449IMG_4450IMG_4451IMG_4456IMG_4458IMG_4459IMG_4461IMG_4462IMG_4465IMG_4467IMG_4468IMG_4469IMG_4471IMG_4473IMG_4475IMG_4479IMG_4489IMG_4497IMG_4504IMG_4507IMG_4508IMG_4509




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip