Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

0
Sunday July 26, 2015 - 19:53:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadashay qaraxa ka dhacay Hotel Jazeera

    Abaaro 4:00 galabnimo ee maanta ayaa gaari nuuca xamuulka ah, isla markaana laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaa lala eegtay ilinka hore Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaaro 4:00 galabnimo ee maanta ayaa gaari nuuca xamuulka ah, isla markaana laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaa lala eegtay ilinka hore Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho

Abaaro 4:00 galabnimo ee maanta ayaa gaari nuuca xamuulka ah, isla markaana laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaa lala eegtay ilinka hore Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho k,aasi oo  ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Inta la ogyahay weerarkaasi argagixisonimo waxaa ku geeriyooday 11 qof, halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo u badnaa dad rayid ah, waxaana dadka halkaasi ku geeriyooday ay ahaayen shacab waddahada marayay, oo uu ku jiray Wariye ka tirsan Telefishinka Universal oo lagu magaabi jiray Maxamed Cabdikariin, iyadoo uu dhaawac ka soo gaaray Wariye Salmaan Jamaal Saciid oo ay hal hay’ad ka wada shaqeynayeen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay afaafka hore ee Hotel Jaziira ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid argagixisadu ay ku dooneyso inay ku waxyeeleyso dadka degan Hotelka.

"Sida aad u jeedaan Kooxda UGUS waxa ay soo weerareen Hotelka Jazeera, baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku dhufteen ilinka hore ee Hotelka, Muwaadiniintii ku dhintay qaraabada iyo ehelka ayaan uga tacsiyadeyneynaa, halkan waa waddo ay dadku wada isticmaalaan, mana jirto cid ka tirsan diblomaasiyiinta Hotelka degan oo Qaraxu gaaray” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip