Taliyaha booliska oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya

0
Sunday July 26, 2015 - 18:35:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha booliska oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya

    Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgen Baker oo hambalyo uga siday dhigiisa dalka Turkiga ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgen Baker oo hambalyo uga siday dhigiisa dalka Turkiga ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dar dar gelin lahaa xiriirka labada dhinac, gaar ahaan tan ciidamada booliska Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii ciidamada booliska looga caawin lahaa xagga tababarada iyo qalabeyntooda.

Taliyaha booliska ayaa tilmaamay in safiirka uu ka guddoomay dhambaalka uu uga siday dhigiisa dalka Turkiga, isla markaana ay isla meel dhigeen xoogga saarayaan sidii ciidanka booliska ay u heli lahaayeen tababaro.

"Waxaan maanta xarunta taliska booliska aan ku qaabilnay safiirka Turkiga u fadhiya dalka, Danjire Olgen Baker, waxa uu dhambaal iiga siday dhigeyga dalka Turkiga, runtii xiriirka labada ciidan boolis, horey ayuu u jiray, waxaana ka wada hadalnay sidii loo dar dar gelin lahaa, aniga waxaan qorsheynayaa inaan dib u soo bilowno, ciidanka booliska waa ciidanka ugu faca weyn ee dalka, tani waxa ay qeyb ka tahay sidii dalalka daneynayaa arrimaha Soomaaliya, aan kala kaashano sidii loo tayayn lahaa ciidanka booliska oo ay u heli lahaayeen tababaro kala duwan” ayuu yiri Taliyaha booliska.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip