Baro-koontarool oo laga sameeyay waddooyin laga soo galo caasimadda "SAWIRRO"

0
Saturday July 25, 2015 - 17:35:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baro-koontarool oo laga sameeyay waddooyin laga soo galo caasimadda "SAWIRRO"

    Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgallo ka fuliyay waddooyinka soo gala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo looga gol'leeyahay sidii looga hortagi lahaa in firxadka kooxda Al-Shabaab ee gobolada dalka ka soo cararaya i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgallo ka fuliyay waddooyinka soo gala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo looga gol'leeyahay sidii looga hortagi lahaa in firxadka kooxda Al-Shabaab ee gobolada dalka ka soo cararaya inay soo galaaan magaalada.

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgallo ka fuliyay waddooyinka soo gala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo looga gol’leeyahay sidii looga hortagi lahaa in firxadka kooxda Al-Shabaab ee gobolada dalka ka soo cararaya inay soo galaaan magaalada.

Howgalkani oo  ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka  magaaladda Muqdisho ayey ciidamadu ka sameeyeen waddooyin ku yaala degmooyinka Yaaqshid,  Dayniile  iyo Kaxda  oo aan ahayn labada  bar koontarool ee laga soo galo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,   iyagoo ciidamadu ay baarayen gadiidka sida dhuulaameysiga ah u isticmaala waddooyinka ka baxsan baraha koontarool ee ay ciidamada dowladda ku suganyihiin.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cusmaan oo Warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah waddooyinka ay ciidamada hay’adda Nabad sugidda ka fuliyeen Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada hay’adda Nabad sugidda ay bara koontarool oo cusub ay ka sameysteen waddooyinka xaafadaha dhexmara ee Muqdisho laga soo galo.

"Waddooyinkan aad u jeedaan ciidamadu waxa ay ka sameysteen bara koontarool, oo u jeedku yahay in la ogaado gaadiidka sida waddooyinka rasmiga ah uga soo dhuumanaya iyo sababta keentay in ay u soo gooyaan koontaroolada magaalada laga soo galo ee raba inay si sharci darro ah u hareer maraan waddooyinka ay ciidanku ku suganyihiin, ciidankan habeen iyo maalin waxa ay diyaar u yihiin xaqiijinta amniga” ayuu yiir Afhayeenka.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa xusay in gaadiidak falalka qaraxda ah ka geysanaya Muqdisho ay soo hareer maraan baraha koontarool ee ay ciidamadu ku suganyihiin, isagoo intaa ku daray in baraha cusub ee ay ciidamada Hay’adda Nabad sugidda ka sameysteen waddooyinka ay yihiin kuwa looga hortago in argagixisada Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galaan magaalada Muqdisho.

DSC00148DSC00152DSC00155DSC00160DSC00161DSC00164DSC00172DSC00175DSC00179DSC00187DSC00198DSC00201DSC00206DSC00229 - Copy - CopyDSC00235 - Copy - Copy




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip