R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW

0
Saturday July 25, 2015 - 17:29:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW

    Muqdisho, July 25, 2015…Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii arxan darada ahaa ee maanta loo geystay Marxuum Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, July 25, 2015…Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii arxan darada ahaa ee maanta loo geystay Marxuum Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha,

Muqdisho, July 25, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii arxan darada ahaa ee maanta loo geystay Marxuum Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo saakay dableey hubeysan ay ku dileen degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, wuxuna Alle uga baryey marxuumka in uu jannadii fardowso ka waraabiyo ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

"Innaa lilaahi waa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya, waxaan Alle uga baryeynaa Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska oo saakay la dilay in uu Eebe naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Marxuum Siciid wuxuu ahaa wadani jecel nabadda iyo horumarka dalka, mudana kasoo shaqaynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, Marxuumka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri RW Cumar.

Sidoo kale, Maamulka iyo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelkii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuum Saciid Cali Saalax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip