Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

0
Saturday July 25, 2015 - 17:25:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

    Mogadishu, 25 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu, 25 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Mogadishu, 25 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Baardheere iyo Diinsoor oo laga xoreeyey kooxaha Al-Shabaab, Maleeshiyaad lagu soo qabqabtay deegaanka Afgooye iyo Ceelasha Biyaha, Horjoogaal cusub oo Al-Shabaab ah madaxooda lacag la korhdigay, dawladda oo sheegtay in la ciqaabi doono cidkasta oo la ogaado in ay dhaqaale ku taageerto Alshaab, Guddiyada Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xaduudaha oo la dhaariyey, Xarunta tababarka Suxuufiyiinta oo la daahfuray, Xarunta Akademiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta oo la dhagax-dhigay, Safiirka cusub ee UK oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay, Dhaqanka Soomaaliya oo kor loo qaadayo, iyo Madaxweynaha GalMudug oo la caleemo-saaray.

Baardheere iyo Diinsoor oo laga xoreeyey kooxaha Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa 22kii July 2015 waxey la wareegeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo laga ceyriyay maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale 24kii July 2015 ayey ciidamadu la wareegeen degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Ciidamada Amniga ayaa waxey ka wadaan Baardheere iyo Diinsoor howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, si shacabka deegaanka ay u helaan amni iyo nabad-waarta. Baardheere iyo Diinsoor oo in mudo ah ku jirtey gacanta kooxaha Al-Shabaab ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay shacabka deegaanka oo laga dulqaaday cabsidii, cagajugleyntii iyo xornimo la’aantii ay in mudo ahba ku sugnaayeen. Ciidamada Dowladda ayaa wada howgal ballaaran oo ujeedadiisu tahay in dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin kooxaha Al-Shabaab in laga saari doono.

Maleeshiyaad lagu soo qabqabtay deegaanka Afgooye iyo Ceelasha Biyaha

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 21kii July 2015 howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Ceelasha biyaha iyo Afgooye waxay kusoo qabteen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo hubkii ay heysteen. Ciidanka ayaa waxa ay howlgallada ka bilaabeen Ceelasha biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo meelo kale oo u dhaw degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo baaritaanno ka sameeyay guryo ay ku tuhmayeen inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, waxaana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhallinayaro badan, kuwaasi oo baaritaanno dheeraad ah kadib sii daayay qaar ka mid ah dhalinayaradii howlgallada lagu qabtay, halka kuwa kale lagu helay caddeymo muujinaya inay shabaab ka tirsanyihiin.

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda waxa ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen qalab ciidan iyo raggii watay oo la aaminsanyahay inay yihiin qalab ciidan oo laga soo qaatay bar ay ciidamada AMISOM ay horey uga deganaayeen gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo ay iminka ku socoto baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo waxa ay yihiin iyo meesha ay ka keeneen. Howgalka ayaa u jeedkiisu yahay in laga hortago falalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka soo abaabulayaan meelo ka baxsan caasimadda, si ay ugu dhibaateeyaan bulshada Soomaaliyeed.

Horjoogayaal cusub oo Al-Shabaab ah madaxooda lacag la kordhigay

Horjoogayaal cusub oo ka mid ah madaxda Al-Shabaab ayaa lacago la kordhigay si loo soo qabqabto ama ciidamada amniga lagu soo wargeliyo goobaha ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Ujeedada barnaamijkan ayaa ah bacdamaa ciidamada Dowladdu ay ku jiraan howlgallo amniga lagu sugayo, isla markaasna in badan loo fidiyey kooxaha nabad-diidka ah gacan si ay barnaamijka nabadeynta ugu soo biiraan oo ay qoryaha iska dhigaan, hase yeeshee, maleeshiyaad badan oo ka faa’iideysan lahaa fursadahaas ayaa waxaa hortaagan horjoogayaal u diidan inay nabadda qaataan oo xooj, handadaad iyo cabsi xoogan ku haya. Sidaas daraadeed, ayaa Dowladda Federaalka waxey dooneysaa inay soo afjarto dagaalada lagula jiro kooxahan nabadda diidan oo la aaminsanyahay marka horjoogayaashooda la soo qabqabto inay fududaaneyso in maleeshiyaadka kale ay nabada qaataan.

Dowladda oo sheegtay in la ciqaabi doono cidkasta oo la ogaado in ay dhaqaale ku taageerto Alshaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo in muddo ahba waday howlgal ciidan si looga sifeeyo kooxaha argagaxisada ah dalka oo dhan, ayaa bilaabay qorshe looga dan leeyahay in dhammaan ilaha dhaqaalaha laga joojiyo kooxaha argagaxisada ah. Dowladda Federaalka ayaa waxey soo saartay awaamiir looga digayo shaqsiyaadka iyo ganacsatada taageerta argagaxisada inay si deg-deg ah u joojiyaan.

Dowladda ayaa go’aamisey in cid allaale iyo cidii lagu helo inay taageereyso kooxaha argagaxisada ah in la marsiin dooni ciqaab adag. Dowladda ayaa sheegtay in kooxaha argagaxisada ah ay heystaan fursad ay nabada uga qeybqaataan waa haddii iyo haddii oo kaliya ay qoyaha iska dhigayaan oo ay caddeynayaan inaysan ummadda gumaadeynin oo ay nabada ka qeybqaadanayaan.

Hase yeeshee kuwa ka madax adeyga waxaa lagu wadayaa dagaal looga sifeynayo dalka, sidaas daraadeed, ayaa digniin adag loogu jeediyey shaqsiyaadka taageera kooxahan argagaxisada ah.

Guddiyada Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xaduudaha oo la dhaariyey

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee 21kii July 2015 ayaa lagu dhaariyay Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo dhawaan ay meel mariyeen xubnaha Golaha Shacabka.

Hab-dhowraha Barlamaanka Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay in xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya hortooda lagu dhaariyay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha & Federaalka.

Guddiyadan ayaa dhaarinta ka dib si rasmi ah u guda geli doona howlaha muhiimka ah ee loo igmaday. Guddiyadan ayaa howlahooda ay yihiin kuwo muhiim u ah dhaqangelinta barnaamijka hiigsiga 2016ka si dalka ay uga dhacaan doorashooyin. Sidoo kale waxaa dhowaan la filayaa in baarlamaanka uu ansixin doono shuruucda xisbiyada dalka si dalka ay uga hirgalaan xisbiyo horseeda doorashooyin ku dhisan axsaab iyo mabda’ si looga gudbo nidaamka awood qeybsiga ee beelaha Soomaaliyeed.

Xarunta tababarka Suxuufiyiinta oo la daahfuray

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa 21kii July 2015 ka qayb galay Munasabad lagu soo bandhigayay xarun cusub oo lagu Tababari doono Suxufiyiinta Soomaaliyeed taas oo ay soo bandhigtay hay’adda Relief International. Madaxa hay’adda Relief International Xasan Ciise ayaa sheegay in xaruntan ay wax badan ku soo kordhin doonto Xirfadda Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Xarunta ayaa wariyeyaasha Soomaaliyeed waxey ka heli doonaan qalabkii ay ku howlgali lahaayeen sida kaamarooyin casri ah, qalabka lagu sameeyo wax ka bedelka ama ku kordhinta barnaamijka sida editing-ka iyo sidii kale barnaamijyada saacidaya wariyaha inuu sii diyaarsado. Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure, Agaasimaha Idaacada Kulmiye ayaa soo dhaweyey Xaruntan cusub.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa tilmaamay in xaruntan furitaankeeda uu ku soo aaday waqti muhiim ah oo dalka u jihaystay Nabad, horumarinta warbaahinta dalka, horumar iyo Dowladnimo, loona baahan yahay in warbaahintuna ay doorkeedda qaadato.

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta oo la dhagax-dhigay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 21kii July 2015 dhagax-dhigay xaruntii Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa horay u ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga, cilmi baarista dhinaca dhaqanka, hiddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dhagax-dhigga kadib hadal jeediyay ayaa sheegay in dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ay ku fadhido micno taariikhi ah oo uu yiri ‘’Ummad aan garaneyn meesha ay ka timid, taariikhdeedi hore, hiddaheedii iyo waxa ay leedahay, waxaa ku adag inay qaabeysato mustaqbalkeeda. Sidaa darted waxaan aad ugu faraxsanahay in dib loo soo nooleeyo Akademiyaddii aanu lahayn, diyaarna waxaan u nahay inaan awooddeena oo dhan isugu geyno.’’ Dib u dhiska iyo dayactirka akademiyadda waxaa dowladda Soomaaliya gacan ku siinaya Midowga Yurub iyo hay’adaha gargaarka ee CISP iyo OXFAM.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Marwo Khadra Bashiir Cali ayaa sheegtay in horumarka dalka ka jira uu horseeday in hay’adihii muhiimka u ahaa dalka dib loo dhisayo, si shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.

Safiirka cusub ee UK oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 20kii July 2015 xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK (United Kingdom) wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Ms Harriet Mathews. Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ka mahadceliyay taageerada mar walba ay Britain la garab taagan tahay Soomaaliya, oo uu sheegay inay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya, oo uu yiri: "Aad baan uga mahadcelineynaa Boqortooyada UK iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron oo dadaal dheer u galey inuu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo xaaladda Soomaaliya. Dhab ahaantii waqtigaasi kadib Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha cusub ee Britain uga waramey xaaladda guud ee dalka, dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha, isagoo intaa ku darey in Soomaaliya ay weli u baahan tahay kaalmada beesha caalamka si loo dhameystiro hawsha ballaaran ee dib u dhiska Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Britain ee Soomaaliya Ms Harriet Mathews, oo iyana kulanka ka hadashey ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ku ammaantey horumarka muuqda ee laga sameeyay barnaamijka dhaqangelinta nidaamka federaalka, iyo dardargelinta hawlaha la xiriira Hiigsiga 2016. Ms Mathews ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay in la sii wado taageerada loo fidinayo Soomaaliya, isla markaana ay Britain waddanka kala shaqeyn doonto dhinacyada gargaarka aadminimo, amniga, siyaasadda, horumarinta iyo dhaqaalaha. Ms Mathews ayaa sidoo kale sheegtay in bilaha soo socda ay magaalada New York ku kulmi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron, kulankaas oo ay kaga wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga labada dal.

Dhaqanka Soomaaliya oo kor loo qaadayo

Xarunta degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa 19kii July 2015 lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ka qeybgaleen maamulka Degmada, mas’uuyiin katirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo qeyba kale duwen ee Bulshada degmadaasi ku nool. Faniinta Kooxda Banaadir-band ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeysa dhaqanka, waxaana qeybahii kala duwenaa ee ka qeyb galay bandhigaasi ay wajiyadooda ka muuqatay farxadda ku aadan Munaasabadda Ciidda ee bandhig faneedkaasi.

Cabdi Nuur Sheeq Axmed (Cabdi Dhaanto) oo ka mid ah fanaaniinta Kooxda Banaadir Band ayaa sheegay in bandhigaas ay ku talgaleen sidii Ummadda Soomaaliyeed loo fahamsin lahaa ahmiyadda bulshada ay u leedahay weyneynta cayaaraha dhaqanka Soomaaliyeed. Guddomiyaha Degmada Warta-Nabada Yasiin Nuur Ciise ayaa sheegay in maamulka degmadu uu ka shaqeyn doono isku xirka bulshada degmada ku nool iyo dib u soo nooleynta dhaqankeena. Afhayeenka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha iyo Faderaalka Cabdifitaax Daahir Mire ayaa bulshada iyo Maamulka Degmada uga mahadceliyay qabsoomidda bandhig dhaqameedka.

Madaxweynaha GalMudug oo la caleemo-saaray

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay xafladda celeemo-saarka Madaxweynaha cusub ee GalMudug Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed. Munaasabadan oo degmada Cadaado ka dhacday 23kii July 2015 ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka, wasiiro, xildhibaano ka socda Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed, Ergeyga Gaarka ah ee QM, Safiirada Midowga Yurub, Turkiga, Uganda iyo mas’uuliyiin ka socotay IGAD, Ethiopia iyo diblomaasiyiin kale.

Tallaabadan ayaa ah mid ay Dowladda Federaalka horey ugu qaaday dhaqangelinta nidaamka Federaalka oo qeyb muhiim ah ka ah hiigsiga 2016ka. Maamulka GalMudug ayaa ah mid ay dadka deegaanka ku soo xusheen xubnaha baarlamaanka GalMudug isla markaasna ay si dimoqraadiyad ah ugu doorteen Guddoomiye Baarlamaan, ku xigeenno, Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa. Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay dardargeliyaan dhameystirka hay’adaha dowliga ah ee GalMudug, dib u heshiisiin waarta iyo sidii shacabka deegaanka loo gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horeyso amni, nabadeyn, waxbarasho, caafimaad iwm.

2345678910111213




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip