Ra'iisul wasaare Xamsa oo guddoomiyay kulan ku saabsan caddaaladda

0
Tuesday July 18, 2023 - 19:09:56 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Xamsa oo guddoomiyay kulan ku saabsan caddaaladda

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta Caddaaladda iyo Garsoorka dalka, kaas oo ay ka soo qeyb galeen Hay'adaha kala duwan ee ka shaqeey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta Caddaaladda iyo Garsoorka dalka, kaas oo ay ka soo qeyb galeen Hay'adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha garsoorka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay fulinta go’aamada ka soo baxa Maxakamdaha dalka oo ay fuliyaan Booliska iyo sidii ay dhinacyadu si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan garsoor madax-bannaan oo hufan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda caddaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, Taliyaha Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip