Ciidamada Dowladda oo howlgal ka sameeyay deegaanno dhaca duleedka Muqdisho

0
Friday July 07, 2023 - 21:17:51 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo howlgal ka sameeyay deegaanno dhaca duleedka Muqdisho

    Ciidamada Dowladda ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano lagu tuhmaayey kooxaha khawaariijta oo isku xira gobolada Banaadir,Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano lagu tuhmaayey kooxaha khawaariijta oo isku xira gobolada Banaadir,Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

Howlgalkaasi oo qaatay muddo saacado ah,waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamo ka socday NISA,gaar ahaan Duufaan iyo kuwo kale oo ka tirsan ciidamada Boliiska ee u tababaran sida mileteriga.

Taliyaha ururja ciidanka Duufaan Taliye Karkaar iyo Taliyaha ururka guutada koowaad ee ciidamada u tababaran sida mileteri Dhamme Maxamed Aadan,ayaa hoggaaminaayey howlgalkaasi qorsheysan oo ka dhacay deegaanada Geedfaqay sabyo beerta Cali Mahdi, walaleey,shirkada Gumar iyo Basro.

Howlgalkaasi ayaa u dhacay si nabad ah,waxaana wararku ay sheegayaan in lagu soo qabtay Rag lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta.

Deegaana la beegsaday ee uu ka dhacay howlgalkaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen kuwo istaraatiiji ah oo isku xira gobolada Banaadir,Sh.Hoose iyo Sh/Dhexe.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip