Horjooge Xasan Xaayow iyo in ka badan 40 ka mid ah maleeshiyaadka Khwaarijta oo lagu dilay gobalka Shabeellada hoose

0
Tuesday June 20, 2023 - 18:56:24 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjooge Xasan Xaayow iyo in ka badan 40 ka mid ah maleeshiyaadka Khwaarijta oo lagu dilay gobalka Shabeellada hoose

    Waxaa halkoodii ka sii soconaya howlgallada gaarka ah ay sameynayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka dhibka ku hayo ummadda Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa halkoodii ka sii soconaya howlgallada gaarka ah ay sameynayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka dhibka ku hayo ummadda Soomaaliyeed.

Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay gobolka Shabeellada hoose, Howlgalkii ugu horeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Tuulo lagu magacaabo "Cabdalla”,halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad uu hoggaaminayay horjooge magaciisu lagu soo koobay "Xasan Xaayow”,.

Howlgalka inta uu socday waxaa lagu dilay Xasan Xaaayow iyo 45 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo uu hoggaaminayay.

Intaas ka dib, mid la mid ah howlgalkan ayey ciidanku waxay ka sameeyeen Tuulo lagu magacaabo "Kaliduuf” oo hoostagto deegaanka Jannaale ee gobolka Sh/hoose, halkaas waxaa lagu dilay afar maleeshiyaad ah, kuwaas magacyadooda ay kala yihiin Maxamed Cabduqaadir, Yuusuf Cumar, Mowliid Abaayow iyo Xasan Cali.

Afartan maleeshiyaadka ah ayaa ka tirsanaa mid ka mid ah waxyaabaha ay ugu yeereen ” Jabhadaha”. Jabhaddaas waxaa hoggaamiyo horjooge magaciisa lagu sheegay Maxamed Saalax oo qeyb ka ah horjoogayaasha dhibay shacabka ku nool gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sheegeen in ay wadaan howlgallo gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogayaasha abaabulaya dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka, waxay sidoo kale, saraakiishu tilmaameen in ay dar dargelinayaan howlgallada Khawaarijta looga sifeynayo gobolka Shabeellaha hoose iyo guud ahaan Dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip