Ciidamadda Xoogga dalka oo degmada Diinsoor ka saaray miinooyin ay ku Aaseen kooxda Shabaab

0
Saturday July 25, 2015 - 15:20:00 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Xoogga dalka oo degmada Diinsoor ka saaray miinooyin ay ku Aaseen kooxda Shabaab

    Taliska Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60-aad ayaa faahfaahin ka bixiyay baaritaano lagu helay waxyaabaha Qarxa oo ay ka sameeyeen Degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasi oo ay shalay la wareegeen Ciidamada Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60-aad ayaa faahfaahin ka bixiyay baaritaano lagu helay waxyaabaha Qarxa oo ay ka sameeyeen Degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasi oo ay shalay la wareegeen Ciidamada Qaranka.

Taliska Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60-aad ayaa faahfaahin ka bixiyay baaritaano lagu helay waxyaabaha Qarxa oo ay ka sameeyeen Degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasi oo ay shalay la wareegeen Ciidamada Qaranka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka degmada Diinsoor gaar ahaan qaybta 60-aad Ismaaciil Khaliif Shire oo la hadlay Radio Muqdisho codka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ciidamdadda Qaranka ay heleen miinooyin dhulka ay ku Aaseen kooxda Al-shabaab isla markaana ay wali Baari doonaan Meelkasta oo ay ku arkaan Miino si Qatartaas dadka looga bad’baadiyo.

"Meelaha Miinooyinka aan ka helnay waxaa u badan Xarunta Booliiska Degmada oo ay shabaab Miinooyin inoogu aaseen iyo meelaha dadku ay u badanyihiin, ciidamadda Qaranka oo markii horaba Taxadar dheeraad ah muujinayay ayaa wali Soo saaraaya miinooyinkaas” ayuu yir Abaanduulaha Qaybta 60-aad ee Ciidamadda Xoogga dalka ee degmada Diinsoor.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay Abaanduulaha in ay Dowladda muhiim u tahay inay Shabab ka saaraan Degmooyinkii Goobnaa oo ay horay u haysteen isla markaana ay tahay degmada Diinsoor halkii ugu Dambeeysay  ee Gobolka Baay oo ay  Dowladdu ka saarto shabaab, halka Degmada Bardheere ee gobolka Gedo ay tahay halkii ugu dambeeyay oo kooxda Shabaab laga saaro isagoo intaa raaciyay inaan kooxda laga hari doonin meelkasta oo ay galaanna lagu Baacsan doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip