DAAWO SAWIRADA-Taliyaha Booliska oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada London,

0
Friday July 24, 2015 - 19:30:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO SAWIRADA-Taliyaha Booliska oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada London,

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

munaasabadan ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka ingiriiska gaar ahaan magaalada london ayaa ujeedkeedu ahaa in warbixin lagaga dhageysto taliyaha ciidanka booliska sareeya gaas maxamed sheekh xasan xaamud oo dhowr cisho booqasho rasmi ah ku joogay isaga iyo wafdi uu hogaaminayay magaalada london.

ra’isal wasaarihii hore ee soomaaliya mudane nuur xasan xuseen oo madasha kahadlay ayaa sheegay mihiimada ay leedahay soo dhoweyntan loo sameeyay taliyaha ciidanka booliska iyo wafdiga uu hogaaminayay, isla markaana laga wareysto xaalada soomaaliya gaar ahaan tan ciidanka booliska oo lafdhabar u ah ammaanka iyo nabadgalyada dalka.



xarbi cawil oo ah mudane soomaaliyeed oo katirsan golada deegaanka xaafada brent ee magaalada london ayaa kahadlay madasha ayaa tilmaamay ahmiyada ay kulamada noocan oo kale ah leeyihiin, isagoo kuhadlaya magaca jaaliyada ayaa waxaa uu soo dhoweeyay wafdiga uu hogaaminayo taliyaha boolika soomaaliya.


taliyaha boliiska sareeya gaas maxamed sheekh xasan xaamud oo goobta kahadlay ayaa umahadcelyay dadkii xafladaasi soo agaasimayay iyo kuwii kasoo qeybgalayba, waxaana uu taliyaha warbixin dheer halkaasi kasiiyay dadka ciidamada boliiska soomaaliya hanaanka loo qoro iyo qorshaha ay damacsan yihiin iyo horumarka ay ku talaabsadeen mudadii yareed ee uu xafiiska joogay.


taliyaha boliiska waxaa uu sidoo kale ka codsaday jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka ingiriiska in ay garab istaagaan boliiska gaar ahaan dhismaha akaadeemiyada boliiska ee janaral kaahiye iyo sidoo kale dhismaha qeybaha agoonta boliiska isagoo sheegay in ay jiraan kun iyo sodon qoys oo agoon ah, kuwaasoo uu sheegay ciidamada boliiska saraakiishooda in ay gacanta ku hayaan isla markaana la biilo.


taliyaha boliiska ayaa wafdigii uu hogaaminayay waxaa kamid ahaa taliyaha heydada dambi baarista ee boliiska  janaraal siciid kadiye iyo sidoo kale taliyaha waaxda hogaanka dhismaha ciidanka boliiska soomaaliya janaraal bashiir ameeriko.


wafdiga ayaa intii ay joogeen magaalada london waxaa ay lakulmeen taliyaha guud ee boliiska wadankan britain, sidoo kale waxaa ay lakulmeen saraakiil katirsan wasaarada umuuraha dibada ee britain qeybteeda afrika qaabilsan.


wafdiga taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu soo booqday xarunta cusub ee telefishinka qaranka soomaaliya ee ku taala magaalada london halkaasoo uu kaga warbixiyay wareysina kusiiyay waxqabadka iyo ujeedka ay halkan uyimaadeen.

BH0A0208BH0A0246BH0A0313BH0A0336

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip