Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Diinsoor

0
Friday July 24, 2015 - 10:00:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Diinsoor

    Ciidamada huwanta ayaa saaka gudaha u galay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ka baxeen Xoogagii Al-Shabaab oo halkaas ku sugnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada huwanta ayaa saaka gudaha u galay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ka baxeen Xoogagii Al-Shabaab oo halkaas ku sugnaa. Ciidamada huwanta ayaa saaka gudaha u galay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ka baxeen Xoogagii Al-Shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada is garabsanaya oo xalay ku hoyday meel 5-KM u jrta Diinsoor ayaa la sheegay in saaka qeyb ka mid ah Diinsoor ay galeen.

Sarkaal u hadlay ciidanka dowladda oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay qeyb ka mid ah Diinsoor galeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay hakiyeen miinooyinka Al-Shabaab wadada ku aaseen, waxaana saraakiisha ay tilmaameen inay miinooyinkaas ka saareen.

Xaalada Diinsoor ayaa ah mid degan, mana jirto wax rasaas ah oo laga maqlay, iyadoo degmada ay maalmihii u dambeeyay ay ka barakaceen boqolaal qoysas ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa guluf ugu jiray maalmihii la soo dhaafay, sidii ay u qabsan lahaayeen Baardheere iyo Diinsoor oo ay aad ugu xooganaayeen Al-Shabaab.

Degmada Diinsoor ayaa aheyd degmadii u dambeysay ee Al-Shabaab kaga sugnaayeen Gobolka Baay, waana degmadii labaad oo 48-saac gudahood gacantooda ka baxdo, kadib qabsashadii Baardheere ee maalin ka hor.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip