Golaha Wasiirada Oo Soo Dhaweeyay Guulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ay Soo Hooyeen

0
Friday July 24, 2015 - 09:57:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Oo Soo Dhaweeyay Guulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ay Soo Hooyeen

    Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdiraslam Ahmed Caato, oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke uu ugu hambalyeynayo Ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdiraslam Ahmed Caato, oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke uu ugu hambalyeynayo Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM guusha ay ka gaareen howlgalada ka socda saddexda qeyb ee kala ah Jubbooyinka, Gedo, gobollada Dhexe iyo Bakool, iyo Bay, islamarkaana ay sii socon doonaan, si ilaa dhammaadka sanadkani Argagaxisada looga sifeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdiraslam Ahmed Caato, oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu ugu hambalyeynayo Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM guusha ay ka gaareen howlgalada ka socda saddexda qeyb ee kala ah Jubbooyinka, Gedo, gobollada Dhexe iyo Bakool, iyo Bay,  islamarkaana ay sii socon doonaan, si ilaa dhammaadka sanadkani Argagaxisada looga sifeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

"Afhayeenka ayaa yiri, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxa uu  ugu baaqayaa dhammaan hey’adaha gargaarka ee Caalamka in ay si deg deg ah uga jawaabaan baahida ku aaddan in  loo gurmado dadka deegaannada laga xorreeyey Al-Shabaab, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay dadaal ku bixin doonto in dadkaasi loo gargaaro, maadaama deegaannadaasi ay muddo ka jirtay dhibaato bini’aadannimo”.

Dhinaca kale  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir ku yeeshay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa maanta  soo dhoweeyey qabshada degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo deegaannada kale ee ay hadda ka socdaan howllada.

Golaha wasiirrada Xukuuamdda Soomaaliya, ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka Maalgashiga Ajaanibta ee Soomaaliya, kaas oo goor dhow  loo gudbin doono Barlamaanka Federaalka Soomaaliya,

Iyadoo shirka ay warbixinnada amniga dalka keeneen wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxaana shacbiga Soomaaliyeed loogu baaqay in ay taageeraan ciidamamda Qaranka ee xiligan ku howlan la dagaallanka cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip