Ciidamada Xooga oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayeen deegano hostaga dagmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan

0
Monday April 17, 2023 - 15:27:14 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xooga oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayeen deegano hostaga dagmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan

    Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab iyo Gor Gor oo garab ka helaya ciidanka is abaabulay ee dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo Khawaarijta ay ku baacsanayaan ka wada deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab iyo Gor Gor oo garab ka helaya ciidanka is abaabulay ee dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo Khawaarijta ay ku baacsanayaan ka wada deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo qiyaastii 50 KM koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka mid ah masuuliyiinta hoggamineysa howlgalkaas. Ciidamadaan iskaashanaya ayaa horay Khawaarijta uga xoreeyey deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Beerxaanno, Tareedishe, Nuur-fanax, Ceela-hele Burdaar iyo deegaano kale oo muhiim ah.

Howlgallada ay ciidanku ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ku socda saf-balaaran, waxayna ciidamadu ka soo kala baxeen magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaas, sida Beledweyne, Buuloburde, Halgan iyo fariisimo kale oo istaraatiiji ah.

Tan iyo markii dowladda soomaaliya ku dhawaaqday wajiga 2-aad ee howlgalka ka dhanka ah khawaarijta waxa gobolada dalka ka billaawday howlgal ay si wadajir ah u wadaan ciidanka xoogga kuwa degaanka iyo saxiibada caalamka,waxan ujeedka howlgalka uu yahay in la soo afjar haraadiga kooxda khawaarijta oo hada maraya bur-bur iyo kala carar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip