Wasiirka Amniga XFS oo Tababar u soo xiray ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada

0
Friday April 14, 2023 - 20:53:37 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga XFS oo Tababar u soo xiray ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada

    Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray qaar kamid ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS, kuwaas oo Muddo Afar bil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray qaar kamid ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS, kuwaas oo Muddo Afar bil ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha JFS u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya,isagoo sheegay in ciidankaan ay ka qeyb qaadan doonaan Sugidda Amniga Madaxda Qaranka.

Mudane Bratislav Gasić Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Tababarada Ciidanka Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo uu tilmaamay in guulo muhiim ah ay ka gaareen Dagaalka ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya kula jiraan Argagixisada.

Ciidamadaan oo gaaraya 60-Askari ayaa soo dhaneystay tababar aqoon kororsi ah,waxayna isugu jireen Saraakiil,Saraakiil xigeeno,Dabley iyo Alifley, iyadoo mudadii tababarka ee afarta bilood soo qaatay casharro heer Sare oo ku saabsan Amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip