War-saxaafadeed: guulaha laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee Khawaarijta lagu qaaday

0
Thursday March 30, 2023 - 22:21:27 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-saxaafadeed: guulaha laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee Khawaarijta lagu qaaday

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka dhinaca maaliyadda ah oo qayb ka ah Istiraatiijiyadda lagula dagaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka dhinaca maaliyadda ah oo qayb ka ah Istiraatiijiyadda lagula dagaalamayo Khawaarijta, sida dagaalka fikirka iyo ka ciidanka, dowladdu ay horumar la taaban karo ka samaysay.

Waxa uu sheegay in la joojiyey hanaankii Khawaarijtu ay lacagaha ku dhex marsiin jirtay nidaamka maaliyadeed ee dalka, sida Bangiyada iyo Xawaaladaha, lana xayiray xisaabaadkii Bangiyada iyo Teleefanadii Khawaarijtu ku uruursan jirtay dhaqaalaha, kuwaas oo lagu xanibay malaayiin Doolar.

Sidoo kale Dowladda ayaa joojisay baaddii Khawaarijta ee badeecadaha ka soo dega Dekadaha iyo garoomada Diyaaradaha dalka, iyadoo meesha laga saaray lacagihii ay ka heli jireen wax kala iibsiga iyo helista macluumaadka ganacsiga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dalka.

Waxaa maleeshiyada laga qabsaday Magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaalijireen uruurinta xoolaha ay ka dhacaan dadka, sida Masaajid Cali-guduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale, iyadoo la burburiyey goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdisho ee ay ku qaadan jireen Lacagaha Bbaadda ah, kuna handadi jireen shacabka.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip