Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo baaritaano ka wada Baardheere

0
Thursday July 23, 2015 - 15:55:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo baaritaano ka wada Baardheere

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaano ka wada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo ciidamada ay saldhigyo iyo difaacyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaano ka wada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo ciidamada ay saldhigyo iyo difaacyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo  kuwa AMISOM ayaa baaritaano ka wada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo ciidamada ay saldhigyo iyo difaacyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.

Jen. Yuusuf Cusmaan Dhuumaal oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysay howl galkii lagu qabtay Baardheere ayaa sheegay in ciidamada aanay gudaha magaalada wada gelin doonin, isagoo xusay in howl gal sifeyn ah ay ka bilaaban doonto.

"Waxa ugu horeeya ee la qabanayo waa howl galka sifeynta magaalada, dad shacab ayaa ku dhaqan, waxayna Ciidamada ka taxadari doonaan gelitaanka magaalada, waxaa laga yaabaa in miinooyin lagu diyaariyay ama baabuur qarax, ciidanku wuxuu ku sugan yahay Air Porka iyo Buundadaā€¯ayuu yiri Jen. Dhuumaal.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha haraadiga ee ku haray Baardheere ay ka sifeynayaan, maadaama uu xusay in Al-Shabaab muddo sanado ah maamuleysay, ayna suura gal tahay in waxyaabo uga tageen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in degmada Baardheere ay u sahleyso inay uga sii gudbaan Gobolka Jubadda Dhexe, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay isu diyaarinayaan duulaan labaad oo ku wajahan gobolkaas.

Xaalada degmada Baardheere ayaa ah mid degan, waxaana dad fara ku tiris ah oo ku haray degmada ay sheegeen in xalay magaalada ay aheyd mid haawaneysay, ciidamadana ay gaaf wareegayeen xaafadaha qaar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip