Wararkii ugu dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka socda Hiiraan iyo Galgaduud

0
Thursday July 23, 2015 - 15:54:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka socda Hiiraan iyo Galgaduud

    Cutubyo ka socda Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo ciidamadan oo wehliya kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutubyo ka socda Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo ciidamadan oo wehliya kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaas.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamo fara badan ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, kuwaasoo qorshahooda yahay inay weerar ku qaadaan bariga Gobolka Galgaduud oo ay Al-Shabaab meelo badan ka maamulaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay fariisimo ka kala sameysteen labo xero oo ku kala taala Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan ay shalay oo dhan soo qul qulayeen, isla markaana ay wataan taangiyo iyo madaafiicda goobta.

Dhinaca kale Ciidamada huwanta ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada gobolka Hiiraan, waxaana shalay la wareegeen deegaanka Moqokori oo ka mid ahaa deegaanada ay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in sanadkan inta aanu dhamaan ay Al-Shabaab ka saari doonto dhamaan meelaha ay kaga sugan yihiin, si sanadka 2016 ay doorasho dalka uga dhacdo.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip