Faah faahin ka soo baxaya dagaalo saddexdii maalmood ka socday deegaano ka tirsan Bakool

0
Thursday July 23, 2015 - 15:52:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin ka soo baxaya dagaalo saddexdii maalmood ka socday deegaano ka tirsan Bakool

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo lagu hoobtay oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday deegaano keymo ah oo ku yaalla Gobolka Bakool, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerareen fariisimo ay dagaalyahano ka tirsan Shab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo lagu hoobtay oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday deegaano keymo ah oo ku yaalla Gobolka Bakool, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerareen fariisimo ay dagaalyahano ka tirsan Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Xudur iyo Rabdhuure.

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo lagu hoobtay oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday deegaano keymo ah oo ku yaalla Gobolka Bakool, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerareen fariisimo ay dagaalyahano ka tirsan Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Xudur iyo Rabdhuure.

Wararka ayaa sheegaya in dagaaladan uu ka dhashay khasaare aad u badan, waxaana Nabadoon reer Bakool ah uu sheegay dad shacab ah oo 50-ruux lagu laayay tuulooyinka Buur-Dhuxule iyo Garasweyne oo ka tirsan Bakool.

Nabadoonkan oo u waramay BBC ayaa ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya inay dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay xasuuq u geysteen.

Taliyaha Ciidamada dowladda ee Gobolka Bakool C/raxmaan Tima Cadde ayaa sheegay in deegaano howd ah oo lagu dagaalamayay saddexdii maalmood ee u dambeeyay ku dileen sodomeeyo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro sida uu yiri Taliyihii Al-Shabaab u qaabilsan Bakool.

Taliyahan ayaa sheegay in howl galkan uu qorshihiisa yahay in la isku furo deegaanada go’doonka ku jira ee Bakool, isla markaana dhamaan degmooyinka la isku furayo.

Dhinaca kale Taliyahan oo la hadlay Idaacada BBC ayaa beeniyay wararka sheegaya in dad rayid ah lagu dilay deegaano ka tirsan Bakool, waxaana uu xusay in meelaha lagu dagaalamay aanay aheyn meel shacab ay joogaan oo ay tahay dhul howd oo keymo ah.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gulufkii ugu dambeeyay ee ka dhan ah Al-Shabaab ka wada Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo ciidamada huwanta ay maanta la wareegeen degmada Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip