Ciidamada dowladda oo la wareegay gacan ku heynta degmada Baardheere

0
Thursday July 23, 2015 - 15:50:50 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo la wareegay gacan ku heynta degmada Baardheere

    Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa tilmaamaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay la wareegeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo laga ceyriyay maleeshiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa tilmaamaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay la wareegeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo laga ceyriyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Siyaad Axmed Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee hogaaminaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay si rasmi ah ula wareegay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

"Abaaro 1:45pm ayay gacanta degmada Baardheere noo soo gashay, waxaana halkaasi ka wadnaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, inta ugu muhiimsan ayaa gacanta noogu jirto, waana sii wadaynaa howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri sargaalka u waramay Radio Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa tilmaamay inaysan la kulmin wax iska caabin ah markii ay la wareegayeen degmada Baardheere, isla markaana ay ka soo galeen dhowr jiho, taasi oo kentay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay goobta isaga cararaan.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip