Deg Deg: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Moqo-kori

0
Tuesday July 21, 2015 - 20:20:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Moqo-kori

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan ciidamada dowladda Jabuuti iyo kuwa Ethiopia ayaa la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Moqo-kori oo qiyaastii 45km dhanka bari uga beegan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ka mid ah meelaha ay dadka ku dhibaateyn jireen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada wadajirka ah ayaa si nabad ah kula wareegay caawa fiidkii deegaanka Maqo-kori halakasi oo ay isaga carareen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana howlgalka ay ciidamadu kula wareegeen deegaanka Moqo-kori uu qeyb ka yahay qorshaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku doonayaan in guud ahaan Al-Shabaab laga cirib tiro

Saraakiisha Ciidamada hogaamineysa ayaa ku soo waramay in dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la wareegay gacan ku heynta deegaanka Moqo-kori, halkaasi oo ay ciidamadu ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip