Ciidanka Hay'adda Nabad sugidda oo howlgallo ku soo qabtay hub iyo maleeshiyaad lagu tuhmayo Al-Shabaab

0
Tuesday July 21, 2015 - 20:16:53 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Hay'adda Nabad sugidda oo howlgallo ku soo qabtay hub iyo maleeshiyaad lagu tuhmayo Al-Shabaab

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Ceelasha biyaha iyo Afgooye waxay kusoo qabteen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo hubkii ay heysteen.

Ciidanku ayaa waxa ay howlgallada ka bilaabeen Ceelasha biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo meelo kale oo u dhaw degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo baaritaanno ka sameeyay guryo ay ku tuhmayeen inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, waxaana ciidamadu ay gacanto dhallinayarro badan, kuwaasi oo baaritaanno dheeraad ah kaddib sii daayay qaar ka mid ah dhalinayaradii howlgallada lagu qabtay, halka kuwa kale lagu helay caddeymo muujinaya inay shabaab ka tirsanyihiin.

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda waxa ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen qalab ciidan iyo raggii watay oo la aaminsanyahay inay yihiin qalab ciidan oo laga soo qaatay bar ay ciidamada AMISOM ay horey uga deganaayeen gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo ay iminka ku socoto baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo waxa ay yihiin iyo meesha ay ka keeneen.

Howgalka ayaa u jeedkiisu yahay in laga hortago falalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka soo abaabulayaan meelo ka baxsan caasimadda, si ay ugu dhibaateeyaan bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip