Madaxweynaha: ''Dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta waxay ku fadhidaa micno taariikhi ah' "SAWIRRO"

0
Tuesday July 21, 2015 - 20:13:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: ''Dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta waxay ku fadhidaa micno taariikhi ah' "SAWIRRO"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha: ‘’Dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta waxay ku fadhidaa micno taariikhi ah’’

Muqdisho, 21 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ku burburtay dagaalladii sokeeye.

Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa horay u ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga, cilmi baarista dhinaca dhaqanka, hiddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dhagax-dhigga kadib hadal jeediyay ayaa sheegay in dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ay ku fadhido micno taariikhi ah.

‘’ Ummad aan garaneyn meesha ay ka timid, taariikhdeedi, hore, hiddaheedii iyo waxa ay leedahay, waxaa ku adag inay qaabeysato mustaqbalkeeda. Sidaa darted waxaan aad ugu faraxsanahay in dib loo soo nooleeyo akademiyaddii aanu lahayn, diyaarna waxaan u nahay inaan awooddeena oo dhan isugu geyno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Dib u dhiska iyo dayactirka akademiyadda waxaa dowladda Soomaaliya gacan ku siinaya Midowga Yurub iyo hay’adaha gargaarka ee CISP iyo OXFAM.


Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa waxaa Madaxweynaha ka hor hadal ka jeedisay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Marwo Khadra Bashiir Cali.

12345678910121314

-DHAMMAAD-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip