Ciidanka XDS iyo kuwa AMSOM oo la filayo in saacadaha soo socda ay la wareegaan degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor

0
Tuesday July 21, 2015 - 20:05:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka XDS iyo kuwa AMSOM oo la filayo in saacadaha soo socda ay la wareegaan degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo howlgallo xoog leh ka wada gobollada Baay iyo Gedo, ayaa kaabiga ku haya degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor,  iyadoo ciidamadu ay cagta mariyeen dhufeeysyo ay malleeshiyaadka UGUS ku lahaayeen duleeddada degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor, iyagoo masaafo aad yarna u jira magaalooyinkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo u jira wax ka yar 25 kiilo Mitir,  halka degmada Diinsoorn ee gobolka Baayna ay u jiraan masaafo ka yar 30 kiilo Mitir, waxaana la rajeeynayaa in saacadaha soo socda ay ciidamadu si buuxda ula wareegaan magaalooyinkaasi.

Howlgalka ay ciidamadu ka wadaan gobolladaasi ayaa ujeedadiisu tahay in maleeshitaadka UGUD looga xoreeyo dhamaan deegaannada ay maleeshiyaadka UGUS ka joogaan gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Degmooyinka Baardheere iyo Gedo ayaa ah labada degmo ee kaliya oo maleeshiyaadka UGUD uga hareen gobolladaasi, waxeyna tani ka dhigantahay in maleeshiyaadka UGUS laga sifeeyay dhamaan deegaanadii ay ka joogeen labadaasi gobol Gedo iyo Baay,  waa haddii ay ciidamadu la wareegaan labadaasi magaalo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip