Uganda oo diyaarado dagaal kaga qeyb qaadaneysa howgalllada ka dhanka ah Al-Shabaab

0
Monday July 20, 2015 - 11:35:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uganda oo diyaarado dagaal kaga qeyb qaadaneysa howgalllada ka dhanka ah Al-Shabaab

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Uganda ayaa qorsheyneysa inay diyaarado nuuca qumaatiga u kaca ay u soo dirto Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada cirka ee dowladda Uganda Maj. Kiconco Tabaro ayaa wakaaladda wararka shiinaha ee Xinhua u sheegay in diyaaradaha Helicopter’s ay u soo dirayaan Soomaaliya, si loogu xoojiyo howgallada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan deegaannada Gobolada Baay iyo Gedo, kuwaasi oo uu ku sheegay inay wax badan ka qaban doonaan howgalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka AMISOM ee dhanka Qorsheynta iyo howgallada Major General Mohammedesha Zeyinu ayaa sheegay in ujeedka howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay tahay sidii guud ahaan geiyaga Soomaaliya looga cirib tiri lahaa, si loo soo celiyo xasiloonadii iyo kala dambeyntii dalka.

Uganda ayaa sidoo kale qorsheynaysa in diyaaradahan ay keento dalka ka hor inta uusan Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama booqasho ku imaan dalka Kenya todobaadka dambe.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip