Ciidamada oo howgallo ka dhan ah Al-Shaabab ka wada Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo

0
Monday July 20, 2015 - 11:31:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada oo howgallo ka dhan ah Al-Shaabab ka wada Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa ka howllgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada deegaanno hoos yimaada gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, iyada oo ciidamada huwanta ay kusii siqayaan degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaasi oo ay dadkii deganaa isaga baxeen.

Ciidamada isku dhafka ah waxa ay howgallo wada jir ah ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Iidaale ee ka tirsan Gobolka Baay, halkaasi oo ay kala wareegeen argagixisada Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku fashilmay iskuday weerar oo ay ku doonayeen inay ku qaadaan goobo ay ciidamadu ku sugnaayeen, iyagoo soo qaatay gaari nuuca minibas ah, balse gaariga uu si iskiis ah u qarxay.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howgallo kuwan la mid ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bakool iyo Gedo, halkaasi oo ay ciidamadu ku doonayaan inay kula wareegaan deegaannada fara ku tiriska ah ee ay Shabaabku ku suganyiiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip