madaxweyne xasan sh:Dowladdu Wey Taageerysaa dhammaan Baarlamaanada Maamulada Dalka

0
Sunday July 19, 2015 - 09:32:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    madaxweyne xasan sh:Dowladdu Wey Taageerysaa dhammaan Baarlamaanada Maamulada Dalka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

M.weynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Md Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caawa casho sharaf u sameeyay xubno ka socday baarlamaanka cusub ee Galmudug kuwaas oo howla shaqo u jooga magaalada muqdisho.

Kulan cashada ah ayaa waxaa ka qeygalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka galmudug

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa ugu horreyntii ka mahadceliyay sida dowladda dhexe ee soomaaliya ay garab istaagtay dhismaha dowlad gobaleedka galmudug.

Mudane  Gacal ayaa sheegay in baarlamanka soomaaliya uu gacan ka siiyay baarlamanka cusub ee galmudug diyaarinta xeer hoosaadka uu yeelanayo baarlamanka maamulku,haatanna ay howlahaasi wali ka gacansiinayaan.

Afhayeenka baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay howsha quruxda badan ee uu soo qabtay baarlamaanka dowlad gobaleedka galmudug isagoo xusay in ay ka gacansiiyanaa taageero walba oo ay baarlamaankaasi uga baahanyihiin baarlamanka soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane xasan Sh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay mudanayaasha baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug in ka shaqeeyaan Cadaaladda iyo hormarinta dhameystirka dhismaha maamulkaasi, si mideysanna uga soo horjeestaan wax kasta oo hagal daacin kara hormarka deegaanka iyo dowladnimada.

M.weyne Xasan Sh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageereyso dhamaan baarlamaanada maamulada ka dhisan dalka iyo kuwa dhismayaba sid dalku u gaaro horumar iyo barwaaqa waarta.

M,weynaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay shacabka soomaaliyeed in la iscafiyo loona wada guntado sidii looga wada shaqeyn lahaa hormarka iyo midnimada soomaaliya.      




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip