Madaxweynaha oo shacabka kula ciiday goobo ku yaalla magaalada Muqdisho "SAWIRRO"

0
Saturday July 18, 2015 - 18:10:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo shacabka kula ciiday goobo ku yaalla magaalada Muqdisho "SAWIRRO"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho, 18 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kumanaan shacab ah kula ciiday goobo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn booqdey xeebta Liido halkaas oo uu ku gacan qaadey qaar ka mid ah kumanaan qof oo halkaasi ku qaadanayey maalintii labaad Ciidul Fitriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo isla markaana farey inay isku naxariistaan.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha booqdey goob ay carruurta ku cayaaraan, halkaas oo ay ka socotey munaasabad gaar ah oo carruurta lagu madadaalinayey.

Madaxweynaha waxaa munaasabadahaasi ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

 

DHAMMAAD-

 

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)unnamed (8)unnamed (9)unnamed (10)unnamed (11)unnamed (12)unnamed (13)unnamed (14)unnamed (15)unnamed (16)unnamed (17)unnamed (18)unnamed (19)unnamed (20)unnamed (21)unnamed (22)unnamed (23)unnamed (24)unnamed (25)unnamed (26)unnamed (27)unnamed (28)unnamed (29)unnamed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip