Sareeye Gaas Maxamed Sheekh oo la ciiday Ciidamada Boliiska

0
Saturday July 18, 2015 - 17:54:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sareeye Gaas Maxamed Sheekh oo la ciiday Ciidamada Boliiska

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Xafladaan  balaaran oo lagu weynaynayay munaasabadda ciidul fitriga, laguna qabtay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyadoo ay sidoo kale ka qayb galeen saraakiisha booliska qaybahooda kala duwan.

Xafladda oo saacado badan qaadatay ayaa waxaa kaalin weyn qaatay kooxda Fanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan, oo iyagu heeso iyo gabayo ka turjumayo kaalinta booliska ka jeediyay, kaa oo ay aad ula dhacsanaayeen intii ka qeyb gashay.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir  Axmed Cismaan Dhoore oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in sharaf ay u tahay degmadaas in xaruntii booliska Soomaaliya ay ku taalo.

Taliyaha Ciidanka biliiska sareeye Gaas Maxamed Sheekh xasan Xaamud oo ka hadlay arrimaha ammaanka iyo doorka booliska uga aadan xagga Nabad gelyada ayaa tilmaamay in ciidanka looga fadhiyo sidii ay u xoojin lahaayeen isdhexgalka bulshada.

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in uu socdo qorshe lagu tayeynayo ciidanka booliska, isagoo la dar daarmay saraakiisha dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip