Ciidanka XDS oo 32 malleeshiyaad ah xalay ku dilay deegaanka Golweeyn ee G/Sh/Hoose

0
Saturday July 18, 2015 - 17:48:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka XDS oo 32 malleeshiyaad ah xalay ku dilay deegaanka Golweeyn ee G/Sh/Hoose

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ciidanka XDS ayaa dilay Sodon iyo Labo ka tirsanaa malleeshiyaadka Shabaab oo xalay soo weeraray fariisin ay ciidanku ku lahaayeen deegaanka Golweeyn ee gobolka Shabeellaha Hoosse.

Taliyaha ururka Labaad,  guutada Sadeexaad ee Ciidanka XDS Col.Xasan Maxamed Abuukar oo loo yaqaan "Xasan Jaamici” ayaa Radio Muqdisho u sheegay in malleeshiyaad hubeysan oo ka tirsanaa kooxda UGUS "Shabaab”  ay xalay soo weerareen saldhig ay ciidanka XDS  ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna intaa ku daray in weerarkaasi ay ciidamadu si taxadar leh isaga difaaceen, islamarkaana ay ciidamadu dileen 32 ka mid ahaa maleeshiyaadkaasi.

Col. Xasan Jaamici ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay dileen 32 ka mid ahaa maleeshiyaadka Shabaab, islamarkaana ay dhaawaceen tiro intaa ka badan, isagoo intaa raaciyay in hub iyo saanad ciidan ay ka furteen maleeshiyaadkaasi.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ciidamada XDS ay jab iyo qasaaro xoog leh u geeysteen maleeshiyaadka UGUS, isagoo tibaaxay in ciidamada XDS ay xaqiijiyeen ammaanka deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale taliyaha ayaa ciidamada ku ammaanay sida xirfadeysan oo ay uga hortageen una dhabar wareemeen weerarkii gaadmada ahaa ee xalay ay maleeshiyaadka UGUS ku soo qaadeen saldhiga ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanka Golweyn.

Wuxuu wax laa xumaado ku tilmaamay iney dagaalkaasi ku dhinteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo la qalday, kuwaasoo  sida uu xusay aan u tureyn ummadda Soomaaliyeed xilliyada farxadda ee ciidda.

Dhanka kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in saldhigga Golweyn ay hore uga baxeen ciidanka AMISOM, balse ay ciidanka XDS buuxiyeen aaggaasi, islamarkaana ay fariisin adag ka sameeysteen, xaqiijiyeenna ammaanka deegaankaasi.

Dadka ku nool deegaanka Golweyn ayuu ku ammaanay sida wanaagsan oo ay ula shaqeeyeen ciidanka XDS, isagoo balan qaaday in ciidanka XDS ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka Shabaab, tan iyo inta dalka oo laga sifeeynayo kooxdaasi argagixisada ah ee sida xaq darrada ah u daadisa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip