Maleeshiyaad ka tirsanaa Nabadiidka Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xogga

0
Sunday November 28, 2021 - 16:51:00 in Wararka by
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad ka tirsanaa Nabadiidka Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xogga

    Saddexdan dhalinyaro oo kala ah Cabdirisaaq Ibraahim Isaaq magaciisa afgarashaduna yahay Tuuxow, Cabdulaahi Ibraahim Gore iyo Xasan Maxamed Suubow ayaa isku soo dhiibay gacanta ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddexdan dhalinyaro oo kala ah Cabdirisaaq Ibraahim Isaaq magaciisa afgarashaduna yahay Tuuxow, Cabdulaahi Ibraahim Gore iyo Xasan Maxamed Suubow ayaa isku soo dhiibay gacanta ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dhalinyaradan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarada qorsheysan iyo gurmadka hadba goobtii looga baahdo si ummadda Soomaaliyeed loogu dhibaateeyo.

Waxay si weyn uga heleen hab soo dhoweynta wanaagsan ee ay kala kulmeem ciidamada xoogga dalka, waxayna ka soo bixintaankooda maleeshiyada Al-Shabaab u arkaan mid ay kaga badbaadayaan dhagarta Al-Shabaab, ummadda muslimka ah ee ay dhibaateynayaanna ku badbaado.

Taliyaha saldhiga Booliska degmada Waajid Gureey Isaaq Afdguub ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen dhalinyaradan uu yahay mid geesnimo leh,islamarkaana looga baahan yahay in kuwa ku haray safkooda iyagana go’aankan oo kale ay qaataan si ay noloshooda khatarta uga badbaadiyaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip